China oo 60 Bilyan Doolar ku Deeqay horumarinta Qaaradda Afrika
5 Dec 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha China Xi Jinping ayaa sheegay in dhaqaale gaaraya 60 bilyan oo doollar uu ku bixinayo horumarinta ganacsiga qaaradda Afrika.
Madaxweyne Xi Jinping ayaa sheegay in muddo sadex sano ah ay China ku horumariyo doonta dhaqaalahan qaaradda, wuxuuna hadalkan ka jeediyay kulan shalay uu magaalada Johannesburg kula yeeshay madaxda Qaaradda Afrika.
Madaxweynaha China ayaa shirkaasi ka sheegay in dalka China uu cafin doono deymaha hadda lagu leeyahay dalal ku yaalla qaaradda, sida dalalka hore u maray ee Afrika, iyada oo dulsaarka deymaha laga dhigi doono eber dhammaadka sanadkan 2015.
Shirka China iyo Africa ayaa waxaa dhanka Soomaaliya ka qayb galaya Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh, isagoo kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweyne Xi Jinpingmagaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika.