MAXAA XIGI DOONA XABBAD JOOGINTA IYO CIIDAMMO KALA DURKINTA???
Waa wax aad looga xumaado in dagaal lama filaan ah uu ka dhaco Gaalkacayo iyadoo aan weli laga boogadhayan dagaalkii guuldarrada ahaa ee Beelaha Hawiye habeen madoow hurdadii ku gaadeen kuna goowraceen boqolaal ka mid ahaa waxgaradkii waqooyiga Gaalkacayo iyagoo guryahooda jiifa 199-dii.
Ujeedadii iyo hawadii ay 1991-kii u qabsadeen Gaalkacayo una laayeen waxgaradkii waxay ahayd anagaa dalka inqilaab ku qabsannay kana talinna iyo iyagood baahiweyn u qabay in ay bililiqaystaan hantidii tiil Gaalkacayo, in ay guryaha kala baxaan jiinga-daha, albaabada iyo dariishadaha. 25 sano ayaa ka soo wareegtay bililiqadii 1-aad, haddana waxay ugu muuqatay in ay buuxdo oo aad u bisishahay bililiqadii 2-aad, hase yeeshee waa middii ay ku halaagsami lahaayeen, waana uga digayaa in ay isku dayaa.
Dagaalka waxashnimada ah ee ay Beesha Sacad ku soo qaadday gaalkacayo waxaa u qorsheeyey Xasan Sheekh, isagoo ujeedadiisu tahay:
1. In uu beesha Sacad ka soo saaro Xamar si uu uga bogsado dhibta badan ee ay ku hayaan madaxtinimadiisa.
2. In uu ku dhiirri geliyo kharaj badan, ciidan badan iyo hub badan si ay u qabsadaan Galkacayo si ay u helaan dawlad goboleed kaamila.
3. In uu suuragal ka dhigo in haddii ay dhaqso u qabsan waayaan Gaalkacayo in uu caalamka ka dhaadhiciyo in meeshaas dagaalkeedu dheeraaday la geeyo ciidammo UNOSMA ah lana dejiyo Airborka Gaalkacayo, isagoo sidaas ceqaab uga dhigaya Puntland.
4. In uu Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo in aan wax doorasho ah ka suuroobayn Soomaaliya si markaas kaddib 2 sano oo dheeraad ah oo uu weligiisa doonayey loogu dar sado.
Ugu danbaystii bulshada Puntland maqashay heshiis bushumaha dushooda ah, waxaase su’aal ah, (MAXAA XIGIDOONA XABBAD JOOJINTA IYO KALA QAADISTA CIIDAMMADA)? Xaafadda Baraxlay waa xaafad ka mid ah magaalada Gaalkacayo, kamana tirsana Galmudug oo ka kooban gobolka galgaduud iyo 2-da degmo ee koonfurta Mudug, waana Hobyo iyo xaradheere, mana maqli karro Baraxlay ayaa Cadaado laga maamula. Gobanimada waa loo dhashaa ee la-iskama dhigo.
Shacabka Baraxlay ku nool haddii ay raali ka yihiin inay si nabadgelyo ah kula noolaadaan deriskoodii hore waa la soo dhoweynayaa, waxayna nolosha iyo xasiloonida la wadaagayaan deriskooda, haddiise ay doonayaan in ay u dhegonuglaadaan danaystaal siyaasaddoodu xaraan ku naaxnimo tahay ha ka fiirsadeen hana kala doorteen, dawlad goboleed Galmudug ah derisnimo haa, baraxlayna waa xaafad ka mida Galkacayo, baraxlay dawlada ah meelna kama soo gasho Puntland.
Muse Haji Abees
abees11@gmail.com