Dhagayso: Somaliland ”hadalka kasoo yeeray Puntland waa hal bacaad lagu lisay”

10 Dec 2015 (Puntlandes) Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka Somaliland Xuseen cabdi Ducaale oo u waray maanta idaacadda BBC da ayaa ku tilmaamay mid aan wax kasoo qaad lahayn hadalkii kasoo  yeeray shalay Puntland ta Gaas oo cid walba maanta meel ku ogaatay wuxuuna yiri ”hadalka kasoo yeeray Puntland waa hal bacaad lagu lisay”.

175a3

Wasiirka ayaa isagoo hadalaka sii wata ku daray ”in aan Puntland waxba laga waydiinayn Gobolka Sool oo aanu Shidaal ka baarayno”

Wasiirku wuxuu qirayaa inay Shidaal ka baarayaan Gobolka Sool, sidoo kalena ay ka guranayaan Macdan.

Waxaa xusid mudan inuu GAAS balan qaadan markuu ololaha Doorashada ku jiray inuu Xoog kusoo celinayo Gobolka Sool oo ay xoog ku haysato Somailand, hadana ayba gaartay Somailand inay Shidaal ka qodoto.

Waxaa kaloo Xusid mudan nina meel Cidlo ah lacagtiisa iskama geliyo, marka waxaa cad Shirkadda Shidaalka baaraysa inay 100% hubto inaan GAAS u soo dhaqaaqayn, haddii kale meel la isku haysto lacagtooda ma geliyeen!!CAJIIB

Sida uu ula hadlay Wasiirku dawladda Puntland oo ahaan jirtay maamul aan lagu deg degin ayaa u eg inuu meel ku ogaaday Puntland ta GAAS.

Dhagayso caglaynta ku socota Puntland ta GAAS


Puntlandes.com

 

About The Author