Dhageyso: Waxgaradka Galmudug oo u mahanaqaya madaxdooda & kuwa Puntland oo waxay ku hadlaan la’
11 Dec 2015 (Puntlandes) Waxgaradka Xaafadda Baraxleey ayaa waxay ku jiraan amaan iyo u mahadcel maamulkooda oo ka soo hoyiyey Guul siyaasadeed iyo mid dagaal iska hor imaadkii ku dhexmaray iyaga iyo Xukuumadda GAAS ee Puntland.
Homaamiyaha maamulka Cadaado ee Galmudug ee aan wali socodka baran ayaa waxa uu kasoo hoyiyey Guul, iyadoo ay taasi keentay inuu shacbiyad ku helo uuna ka helo dadkiisa amaan iyo mahadnaq ku saabsan Guushaas uu u soo hoyiyey.
Dhanka waxaa waxay ku hadlaan la’lana yaaban meelay ka dhacday dawladdii 18ka sano jirtay ee Puntland guud ahaan shacabka reer Puntland gaar ahaan ku Gaalkacyo.
Madaxweyne Gaas ayaa Khuburada ka faalooda at´rimaha Soomaaliya waxay ku tilmaameen Hogaamiyihii ugu xumaa ee abid noqda madax inta ay taariikhdu xusayso, isagoo ku sifoobay wax kasta oo calaamad u ah Hogaamiye xun ama liita.
GAAS ayaa wuxuu Gaalkacyo ka fuliyey Amarka Kooxda DAMUL JADIID , iyagoo doonayey inay kala diriraan reer Mudug dhan walba oo uu u horeeyo dhaqaalaha. Waxayna ku Guulaysteen iyagoo adeegsana GAAS inay Qaxiyaan Reer Gaalkacyo ay dhaawac xun u gaytaan dhaqaalahooda.
Dhayso Nabadoon Khaliif Sh Xuseen oo u HAMBALYEYNAYA Galmudug iyo madaxdeeda sheegayna inaan dagaalkii Gaalkacyo dhamaan.
Puntlandes.com