Dhageyso: Baarlamaanka Punland oo ka digay in wax lagu qaybsado Habka 4.5 baaqna u diray wafdiga Puntland ee Xamar

12 Dec 2015 (Puntlandes) Qaar kamid ah xildhibaanada Puntland oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Puntland ee Garowe ayaaka digay in wax lagu qaybsado Habka 4.5, iygoo cod dheer ku sheegay inay kasoo horjeedaan in dib wadanka Soomaaliya loogu celiyo nidaamkii xaaraanta ahaa ee 4.5.

173a1

Fariinta Xildhibaanadan ay direen ayaa ahayd sadexdaan soo socda:

  1. In Beesha Caalamku ay ka dayso Cadaadiska ay ku hayso Wafdiga Puntland ee Xamar ku sugan ee Hogaaminayo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali GAAS
  2. In Wafdiga Puntland ee Xamar ku sugan aysan soo qaadi karin wax aan ka ahayn in Deegaan wax lagu Qaybsado, haddii kalena ay Shacabkooda kusoo talo cerliyaan.
  3. In Shacabka Puntland ay ku baraarugaan waxa Xamar ka socda ee aan ahayn go’aanadii ay horay u gaareen ee ahaa inaan wax aan Degaan ahayn aysan Puntland ku jirin

Dhagayso Shika jaraa’id ee Xildhibaanada Puntland


Puntlandes.com

About The Author