Guddoomiyaha G/Banaadir awood ma leeyehay unuu Xaruntii Ex Baarlamaan ku wareejiyay Milkiilaha Telefishinka Universal?
12 Dec 2015 (Puntlandes) Waxaa shalay, 11kii dec, la shaaciyey in Guddoomiyaha Gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa waxa uu Milkiilaha Telefishinka Universal ku wareejiyay xaruntii hore Baarlamaanka Soomaaliya ee Ex Baarlamaan.
Guddoomiye Jimcaale ayaa sheegay in Xarunta Ex Baarlamaan loo bedeli doonaa meel loo dalxiis tago, isla markaana uu ku wareejiyey Mulkiyadeeda Milkiilaha Telefishinka Universal Eng, Axmadeey Abuubakar.
Dhanka kale Milkiilaha Telefishinka Universal Eng, Axmadeey Abuubakar ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xaruntan lagu soo wareejiyo, isla markaana ay ka dhigi doonaan goob loo soo dalxiis tago.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in xarunta Ex Baarlamaan ay noqon doonto meel loo soo dalxiis tago, isagoo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu ku wareejiyo Madaxda Telefishinka Universal.
Xarunta Ex Baarlamaan waa goob ka dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed kana mid ah Astaamaha Qaranka Soomaaliyeed taasoo uusan Awood sharci iyo mid dawladeedba uusan u lahayn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Arinta uu Guddoomiye Jimcaale lasoo shir tagay ayaa ah sheekadii ay Xamar Caanka ku noqotay 1991dii ka dib oo ahayd “Soomaaliya waa Xamar, Xamarna Anaa leh oo waxaan doonayo ka samayn kara”