Waxa warbaahinta caalamku aad wax uga qoreen Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli oo Qashin wax ka guraya .

175c6

Markaan arkay warbixintaan, ayaan waxaan go´aansaday in aan ka diyaariyo qoraal abuuraya dood. Qoraalkaas oo ka eegaya arrintaan dhinacyo badan, sida khaladaadka iyo faa´ iidooyinka ku jira falkaas.

Sida aynu la socono Afrika waxaa haysta dhibaatooyin farabadan oo u baahan xal waara, sida Fakhriga, Cudurada, Nadaafadxumada, Dhaqaale darrida iyo kuwo kale oo aad u farabadan.

Madaxweyne Qashin guraya.

Sida badan, waxaa afrika ka dhacda in nin markuu madax ka noqdo uu culayska saaro, Is shaacbixin “images” sumacad raadis iyo in la ammaano.  Waxaa inta badan lagu arkaa fagaareyaasha bulshada iyagoo tusaya bulshada in ay kuwii hore kaga gedisanyihiin in ay iyagu, danaynayaan wax ka qabashada dhibaatooyinka bulshada haysta. Micnuhu waa in ay tusaan in ay ka war hayaan.

Tan uu sameeyey Mr. John Magufuli, aad bay uga duwantahay wixii ay madaxda Afrika samayn jireen. Waxayna noqotay mid Cinwaano samaysay oo isagu qashin buu wax ka gurayaa.

Isagu sida masawirka ka muuqata, isagoo dhar caadi ah gashan buu qashinkii wax ka gurayaa oo faraha kula jiraa.

Arrintaas haddii laga eego dhinaca wanaaga. Waxay tusaale fiican u noqon kartaa shacabka, in ay arkaan, sidaysan in qashinka la iska hagaajiyaa aysan ka faanidda u lahayn, darajo kasta lahawe. Waxay tusaale u noqonaysaa madaxda kala gedisan ee bulshada. Waxay kale oo faa´iido u tahay in maalinkaa qashinka laga uruuriyo Xaafadda uu ololuhu ka socdo iyo waliba hadduu amray in madaxda waddanku ay sidaas oo kale ololaha ka sameeyaan Xaafadaha waddanka oo dhan.

Hadii loo eego qaab farsamo ahaan ah “technically

Wax walba qiimo bay leeyihiin, shaqaduna waa qaybsantahay oo qof waliba daraf buu leeyahay ( barbarkay ka baxdaa waa bakayle qaleen).

Tanzania waxay ka koobantahay 169 degmo oo mid walibaa ay sii hostagaan 2 Xaafadood iyo wax ka badan.

Madaxweynuhu wuxuu madaxweyne u yahay dhamaan kuwaas oo dhan. Waxaana jirta meesha uu ka shaqaynayo meelo ka qashin badan.  Qashinka uu gurayaana wuxuu ku egyahay maalintaas oo keliya.  Meeshaan waxaa ka maqan qorshe socondoona oo waddankoodhan gaara.

Qiimaha  

Waddamada reer galbeedku, marka shaqo laqabanayo waxaa lagu daraa  kharshka qofka qabanaya shaqada, waxaa la xisaabiyaa Saacadda uu qofka Clerk:gigaa uu shaqaynayo.

John wuxuu qaataa marka laga reebo caymiska iyo gunnoyinka, TSh 84 million (US$ 42,000) sanadkii (xigasho, wikipedia). Dheh in madaxweyne, uusan la mid ahayn qof caadi ah oo uu shaqeeyo 7 maalmood iyo 12 bilood (fasax la´aan). 42,000/12 = US$ 3,500 bishii =3,500/30 celcelis (28,30, 31)= US$ 117.

Aynu u  barbar dhigno qofka caadigaa ee jidadka nadiifiya (ama Booyaaso, booy) waxay ku shaqeeyaan (xigasho, Mywage.org/Tanzania)  US$ 0.68 = 8 hours x 0.68 = US$ 5.44, maalintii, bishiina wuxuu ku shaqaynayaa US$  163.

Farsamo ahaan maalintaas uu qashinka guray madaxweynuhu, waxaa haddii uu qabto qof la qiimo ah gurida qashinku, uu meeshaas nadiifin lahaa bil ku dhan.

Dayaca shaqdii madaxweynaha

Waxaa kale oo la xisaabiyaa ( waxa lumaya ) ama beerdaroobey “waste” maalin aad shaqadaadii dayacday.  Waqtigii madaxweynuhu uu shaqdiisii qabsan lahaana wuxuu noqday mid uu ku bixiyey wax aan wax u tarayn dalka iyo dadka uu madaxda u yahay ( Ogow in uu waqtigaas geliyey Xaafad ka mida 169 Degmo), sida in uu qashin guro , halka kii shaqadiisu ay ahayd in uu qashinka gurana, uusan haysan shaqo iyo nolol maalmeed toona.

Maxaa inaga maqan haddaynu nahay Afrikaan ?

Waxaa inta badan ka maqan Afrika madaxdeeda fahanka, sida ay tahay in wax loo xalliyo. Oo qashinka iyo dhibaatooyinka kale ee ku xeeran waddanka looga baxo.

Waxaa loo baahanyahay in ay fahmaan in aysan xal u noqonayn dhibaatooyinkaas shaqo maalin keliya la qabtaye ay u baahantahay qaab shaqo oo socda “ system” “structure” iyo “Continuity” ama marka intaas oo dhan laga soo tago in loo bahanyahay waarid “sustainability” in laga shaqeeyo qaab madaxweynaha iyo kuwa nolosha ka raadiya, shaqada nadiifintu ay ku faa´iidaan oo iyana ay shaqo u helaan joogta ah, qashinkana si joogta ah loo guro madaxweynuhuna uu shaqadii isaga loogu talo galay oo ahay Hogaaminta waddanka uu u qabsado.

Waxaa laga yaabaa in aad iswaydiisaan su´aasha ah, waa maxay hogaamin?  Oo laga yaabo in dadka qaarkiis u qaataan in ay la micno noqon karto guridda qashinka (ama sida Soomaali badan aan ka maqlo u horseed, shacabku in ay iyagu shaqadooda qabsadaan, sida ururinta qashinka iwm) marka ay tanina tusaale wanaagsan u Noqoto. Laakiin taas ma aha. Sharaxaadeedana halkaan kumasoo koobi karno marka geli mayno middas.

Tusaale ah, sida tan uu sameeyey ka sahlan ee qashinka loo guri karo.

Europe waxaa laga qadaa qofkasta oo guri leh  lacagta qashin qaadka “refuse collection” ama “waste collection” tax. Middaas oo keenaysa in la raaco hab ah in uu qofku gurigiisa ku aruuriyo qashika,  marka xilligii la qaadi lahaa la gaarana uu banaanka soo dhigo iyadoo shay ku jirta (caag daboolan, Bac afka ka xiran iwm).

Waxaa laga yaabaa in qolo ay tiraahdo. Dadka deggen guryaha reer Europe waxay haystaan lacag ay ku bixiyaan, laakiin Afrika waxaa laga yaabaa in ay jiraan dad aanba nolol maalmeedka heli Karin oo Guri leh.

Europe waxaa jira dad canshuur bixiye ah iyo qaar cayr qaate ah.

Soomaaliduna waxay ku maah maahdaa, “ sidee Xeego loo xagtaa Ilkana ku nabad galaan” Marka si loo helo qolo bixin karta iyo qolo iyaga laga dhaafo waxaa la eegikaraa waxa ay isticmaalaan.

Waxaa jira shirkado ka ganacsada biyaha iyo korontada. Marka haddii la helo dadka intaa isticmaasha, kuwaas baa laga qaadi karaa tan qashinkana. Waxay si joogto ah koronto iyo biyo tuubo ah biilka “Bill” bille ugu bixiyaan. Marka mid ka mida kuwaas  waxaa la dulsaari karaa biilashaas canshuurta qashin qaadidda.

Marka la helo dakhligaas ayaa kii bixiyey iyo kii aan awoodinba si siman looga qaadi karaa si joogto ah.

Laakiin su´aashu waxay tahay hogaamiyaha afrikaanka ah, horta ma rabey xal? Misse wuxuu rabey Is tus tus iyo halagaa sheego?

Jawaabta adaan kuu dhaafin ogowna qormadaani waa mid dood abuur ah. Ee ma aha Fact.

1106

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Puntlandes.com

 

About The Author