Daawo Video-Sawiro: Cashar ku socda Soomaalida gaar ahaan shacabka Xaafada Baraxley ee Gaalkacyo ee Galmudug

Cashar ku socda Guud ahaan Soomaalida gaar ahaan shacabka Xaafada Baraxley ee Gaalkacyo

12 Dec 2015 (Puntlandes) Soomaalida qaar ka mida ayaa waxay Caadaysteen hada marmarsiiyo ah oo ay ku diidan yihiin Federaalka ay Soomaalidu qaadatay, iyagoo marmarsiiyo ka dhigtay Federaal waxaa qaata dad aan isku Af iyo diin ahayn amaba kala duwan dad ahaan.

Dooda 1aad ee Federaaldiidku waa waxaa Federaal qaata dad kala Af ah, kala Diin ah oo kala Qawmiyad ah!

Bal akhristoow eeg dalka Jarmalka waa Federaal:

  • Ma kala Afbaa?
  • Ma kala jinsi ama Qowmiyabaa?
  • Ma kala Diinbaa?

Soow labadaas maaha waxay ku doodaan dadka Federaaldiidka ah? Hadaba Jarmalku waa isku Af, isku Diin, waana isku dad, hadana waa Federaal!!! CAJIIB oo maxay ku doodin Federaaldiidku?

Dooda 2aad ee Federaaldiidku waa Xuduuday dalkeena u kal samaynayaan? 

Dooda ugu adag ee Federaaldiidku waa Gaalkacyo: Af´duunka ma jirto magaalo kala qaybsan Sidee ayaa magaalo kala qayn karaa?

Warbaahinta Puntlandes ayaa go’aansatay maadaama ay Nabad waarta sal u tahay in la helo Xuduud maamul oo magaalada Gaalkacyo yeelato in ay usoo gudbiso guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka ku nool Xaafada Baraxleey ee koonfurta Gaalkacyo ee hoos taga maamulka Galmud Cashar ku saabsan inaysan Xuduudi dhib ahayn ay Qasab tahay maamul kasta ama Degmo ha ahaado ama Gobol ama maamul goboleed ha ahaado in uu yeesho Xuduud cayiman oo Calaamsan.

Warbaahinta Puntlandes waxay Akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa labo Videow oo midi yahay Xuduuda Dalalka Holand iyo Belgium oo Guri Qololki midi yahay Holand kan kalena yahay Belgium!! CAJIIB oo waxay ka oran tana kuwa Federaaldiidka ah?

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes Akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa Videow kale oo ku saabsan Xuduuda dalalka USA iyo Canada bal daawo adaa….

Soomaalidu sideedaba maaha dad wax akhriya oo baaritaan sameeya intaysan ku doodin wax marka waxaa muuqata in doodii Federaaldiidku aysan ahayn ,mid laga soo baaraan degay oo loo Fekeray baaritaana lagu sameeyey intaan la cuskan.

Xalka Magaalada Gaalkacyo waa inay yeelato Xuduud Calaadsan sida aad Videowyaashan ka daawanaysaan, taasaana NABAD waarta lagy heli karaa. Shacabka walaalaha ah ee reer Gaalkacyoodna waxaa dantoodu ku jirtaa Nabad ku wada noolaansho iyo inay is caawiyaan ee kuma jirtoo dantoodu inay is dilaan.

Daawo Sawiro
1
2
3
4
5
6
7
8
9
Puntlandes.com

About The Author