Dhegayso-XOG: Quraan Jecel “Shirka wada tashiga berri buu furmaya wax Heshiis lagu yahay oo lagu dhawaaqayana ma jirto”

12 Dec 2015 (Puntlandes) Sida uu sheegay Afhayeenka dawladda Puntland waxaa berri ka furmaya Magaalda Muqdisho Shirkii Wada tashiga, ee lagu go’aamin lahaa habka ay u dhacayso Doorashooyinka 2016, iyadoo aysan jirin wax Heshiis lagu wada yahay.

175b4

Shirkan wada tashiga Soomaaliya oo ay ka qayb galayaan Dawladda Soomaaliya, Dawlad Goboleedyada, Bulshada Rayidkaa xubno matala & Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, waxayna ahayd in la isku raaco Habka la isku dooranayo.

Waxaana loo kala qaybsamay labo qaybood oo kala taageersan:

  1. In doorashada Soomaaliya klagu saleeyo deegaan oo ay wataan jubbaland & Puntland
  2. In dib loogu noqdo hanaanka 4.5 oo ay wataan Galmudug & Koonfurgalbeed.

Shirka ayaa sida ay sheegayaan Xogo soo gaaraya Warbaahinta Puntlandes wuxuu furmayaa iyadoon meel la isla dhigin ama la isku afgaran Habka wax lagu Dooranayo 2016ka.

Ilo aad ugu dhuun daloola goobaha ay Shirarku ka socdaan ayaa waxay Warbaahinta Puntlandes usoo dusiyeen inay Wafdiga Puntland ee uu Hogaaminayo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ay ku adkaysanayaan ilaa iminka in aysan ogolaanayn Habka 4.5ta ah.

Wafdiga Gaas ayaa sida Ilahan Xogogaalka ahi sheegayaan waxay kala kulmayaan Wakiilada Beesha Caalamka Cadaadis aad u xoog badan oo lagu saarayo inay qaataan Habka 4.5ta ah.

Waxay kaloo Ilahan Xogogaalka ahi ay Warbaahinta Puntlandes u sheegeen inay wafdiga Puntland usoo jeediyeen Beesha Caalamka inay ka Tanaasulayaan Habka Deegaanka laakiin aysan marna ogolaanayn in la qaato Nidaamka aan Cadaalada waafaqsanayn ee 4.5ta ah, iyagoo u sheegay anagu waanu ka Tanaasulaynaa Habka Deegaanka e DFS na ha ka Tanaasusho Habka 4.5 ta, dabadeedna aan isugu nimaadno meel dhexe.

Beesha Caalamka oo Soomaaliya awoow ku leh ayaan la aqoon siday ugu Qancin doonto DFS inay ka Tanaasusho Habka 4.5 ta.

Dhanka kale Khuburada aadka u yaqaan go’aam qaadashada madaxweyne Gaas ayaan wax kalsooni ah ku qabin inuu isna dhankiisa kusii adkaysan karo Mowqifkaas ay Shacabka reer Puntland taageersan yihiin.

Dhegayso Afhayeenka Puntland


Puntlandes.com

 

About The Author