Gaalkacyo: Dhanka Galmudug oo Xabad joojintii Jabiyey kadib markii ay dileen nin Oday ah

13 Dec 2015 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo oo dhawaan lagu kala Saxiixday Heshiis ka koobnaa 4 qodob oo ay ka mid ahaayeen Xabad Joojin iyo in Ciidamada la kala qaado kaidib Dagaalo qaraar oo ka dhacay, ayaa Xalay waxaa Xabad joojintii Jabiyey Dhanka Galmudug kadib markii ay dileen nin Oday ah oo ka tagay Gaalkacyo una socday Bacaadwayn Jidka loo galay lana dilay.

159b2

Ninka Odayga ah ee la dilay ayaa waxaa lagu magaaci jiray Bashiir Cali Faaqo oo ay da’diisa 70tameeyo ahyd, waxaana lagu dilay Xalay halka lagu magacaabo Taalo Cad oo ku taala dhanka Waqooyi ee marka laga baxo magaalada Gaalkacyo.

Warar lagu Kalsoon yahay oo ay Warbaahinta Puntlandes heshay ayaa sheegaya in ay dileen Marxiimka 5 nin, kadib markii raadkooda la qaadayna ay galeen halka lagu magacaabo BuurCad oo uu Ciidan u jooga maamulka Galmudug.

Warka ayaa intaas ku daraya in ay is xabadeeyeen Raad qaadayaashoii ku daba joogay kuwii wax dilay iyo Ciidamadii Galmudug ee ku sugnaa halkii uu Raadku galay.

Nabad ayaa dani ugu jirtaa dadka walaalaha ah ee wada dega Gobolka Mudug.

 

About The Author