Shalay waad talo xumayd, xalayna waad orod yarayd maatana waad maarayn xuntahay

0

Tan iyo intii lamaqlay damacii waalaa ee xaafada baraxley ee ku saabsanaa hawo loogu yeeray maamul u samaynta gobolada dhexe waxaa soo baxayey is waydiimo badan oo ku saabsan waxa kala gudboon  Dowlada Puntland arintaas.

Sida lawada ogsoonyahay Puntland wixii ka horeeyey doorashadii 8 Janaayo 2014  waxay ahayd dowlada ugu awooda badan Soomaaliya, xag siyaasadeed iyo mid cududba. Laguma dhicin in iska daa iyada la damcee xataa in wax la,yeeleeyo dadka ay danwadaagta yihiin sida Jubaland.

Madaxwaynaha hadda talada haya ayaa yimid iyada oo xiriiku go,anaa mudo 6 bilood inta uusan talada imaan.

Heshiisyadii Caalamiga ahaa ee Puntland hore u gashay

Talaabadii koowaad ee uu qaaday waxay noqotay in uu nimankii xamar iska la heshiiyo (isagoo taas ku tala xumaa) hadii loo digayna uu si aayara dhagaha uga furaystay isaga oo ku doodaya xiriirku haduu go,an yahay wax badan baa inooga halaabaya. Sheekadu waa ninkii xero waraabaha degey oo inta looga digey qaadanwaayey taladii e. Wuxuu daba socdaba waxay xayireen shirkadihii shidaalka oo hadaad hadda eegto barahooda internetka waxaa ku qoran ” ON HOLD” iyo waxaa wada hadalo noo socdaan dowlada Xasan Culusoow Cajiib!!!.

Waxay awdeen siyaasadii dibada ee Puntland oo waxaad arkaysaa in markii hore dhagaha beesha caalamku u nuglaayeen Puntland oo markay ama hadasho oo wax sheegto in iyagoo dhan isla markiiba imaan jireen Puntland ama ay warqado ay ku taageerayaan soo saari jireen, waxay oodeen waxbarashadii Puntland oo xukuumada hadda jirtaahi ayba gaartay in ay tiraahdo Xamar shahaado faalso ah halloo raadsado si deeqda Sudan loogu aado, Cajiib!!!!

Damaca Gobolka Mudug

Arintu waa cajaa,ib iyo alamtara la soodhaafye orodkiina Puntland looga dheeree oo waxeedii way soo dhacsan waydey (Xalana Gaas wuu orod yaraa). Sheekadu waxay ku soo urudhay in C/ Qaybdiid oo reer Puntland inta cafis u fidiyeen danbiyadii uu galay 1991 dii oo Gaalkacyo oo inta looga adkaaday hadana loo ogolaaday in uu xaafada Baraxlay la yiraahdo soo deg, in uu maanta isaga iyo Culusoow ay daamcaan inay goostaan Gobolkii uu kasoo jeeday Gaas oo horta muxuu damcay (hadadaan oo la joogo  buuba aqoon xun yahaye) ma wali wuxuu ku hayn beesha caalamka baa nagu dhex jirta oo dedaal baa socda, Cajiib walee waad aqoon xuntahay. Akhri meesha uu maraya damacii xumaa ee la damaaciyey in Mudug lagu bililiqaysto Gobolka Mudug: Xasan Culusoow oo shaaciyey wax uu ugu yeeray Gudi ka shaqaynaya dhisida Dowlada Gobolada Dhexe

15 ka Agoosto 2014 iyo shirkii wadotashiga

Beri oo taariikhdu tahay 15-08-2014 waxay ku beegan tahay markii uu iclaamiyey madaxweyne Gaas shir wadotashii oo uu ugu yeeray Xildhibaanada ka soo jeega Puntland ee ka mid ahaa baarlamaanka Culusoow. Ma dhicidoonaa shirkaasi?

Maxaa daaray reer Mudug

Aaway dadkii Gobolka lahaa? Aaway ardadii Gobolka?Aaway  Dhalinyaradii Gobolka? meeye oo meeye oo meeye

 

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *