Dhageyso: Xildhibaan Puntland “Wafdiga Puntland waa inay kasoo baxaan Shirka”
15 Dec 2015 (Puntlandes) Xildhibaan Siciid Diiriye Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa wafdiga Puntland ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ugu baaqay inay kasoo baxaan Shirka Xamar uga socda madaxda Soomaalida maadaama uu madaxweynaha DFS Xasan Sheekh diidan yahay Dastuurkii lagu heshiiyey oo ahaa in Deegaan wax lagu qaybsado.
Xildhibaan Siciid ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu dastuurkii lagu doortay jabiyey, isagoo gadaal ka riixaya in Nidaamka Fashilka ah ee 4.5 dowladda cusub ee 2016-ka lagu soo dhiso.
Dhageyso wareysiga xildhibaan Siciid
Puntlandes.com