Sawiro: Shirweynaha Sanad laha ahaa ee Taliska Ciidanka Asluubta Puntland oo Maanta Xirmay
15 Dec 2015 (Puntlandes) Xarunta taliska guud ee ciidanka Asluubta dowladda Puntland ee Caasimada Garoowe ayaa maanta waxaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu soo xirayey shirweynaha sanadlaha ah ee taliska guud ee ciidanka Asluubta, taliyayaasha xabsiyada iyo saraakiisha ciidamada Asluubta ee Puntland.
Shirweynahaan maanta lasoo xiray oo sanadkiiba mar laqabto ayaa waxaa ka qaybgalay taliyaha guud ee ciidamada Asluubta dowladda Puntalnd, taliyayaasha xabsiyada afar kamid ah magaalooyinka Puntland iyo saraakiil kasocdey xabsiyada dalka.
Mudadii uu socdey shirkaani ayaa waxaa siweyn loogu lafa guray waxqabadkii ciidamada asluubta ee dalka, horumarada kahirgalay xabsiyada Puntland iyo sidii looqorshayn lahaa waxqabadka sanadka dambe ee guud ahaan xabsiyada.
Xabsiyada magaalooyinka Galkacyo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso ayaa dhanka kale ka warbixiyey waxqabadkooda iyo fulinta shuruucda ciidamada asluubta ee dowladda Puntland, waxaana dhanka kudhaqanka shuruucda ciidamada asluubta kaalinta 1aad ka galay xabsiga magaalada Galkacyo, dhanka wax soosaarka iyo hindisayaasha cusubna waxaa kaalinta 1aad ka galay xabsiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Taliyayaasha xabsiyada Puntland ayaa soobandhigay horumarada xabsiyada waxaana kamid ahaa farsamooyinka lasiiyo maxaabiista, wax soosaarka beeraha, Shinida xoolaha nool iyo sidoo kale wax soosaarka malabka iyo beerista shinida.
Taliyaha ciidamanka asluubta dowladda Puntland Cali Nuur ayaa bogaadiyey waxqabadka guud ahaan xabsiiyada afarta magaalo, wuxuuna ku booriyey inay howsha sii laba jibaaraan, ayna ku dhaqmaan shuruucda ciidanka Asluubta garowsadaana shaqada ay dadka iyo dalka u hayaan.
Ugu dambayntiina taliyaha ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey taliyayaasha xabsiyada magaalooyinka Boosaaso iyo Galkacyo, isagoona sheegay in sanadkaan ay ka filayaan xabsiyada kale ay kor uqaadaan aqoontooda iyo waxqabadkooda sanadka dambena kaalimahaasi galaan.
Sawiro