Faahfaahin Dhagayso-Akhriso warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Xamar uga socday madaxda Soomaalida
16 Dec 2015 (Puntlandes) Waxaa Makhribnimadii maanta kusoo gabagaboobay Magaalada Muqdisho Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Madaxda Soomaalida uga soconayay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, loogana hadlayey habka Doorashada 2016.
Shirka oo maanta leysku weydaarsaday khudbado kala duwan ayaa waxaa ugu danbeyntii leysla gartay qodobo dhowr ah oo ay kamid ahaayen:
1-In aysan jiri doonin xili kororsi markii uu dhamaado waqtiga hay’addaha Dowladda ee haatan jira.
2-In la sameeyo aqalka hoose iyo aqalka sare, kuwaasi oo ka qeyb noqonaya Hanaanka Doorashadda Somalia ee Sanadka 2016.
3- Doorashada labada Aqal lagu saleeyo isku dheelitirka Qabiil iyo Deegaan
Dhagayso BBC oo watrbixin ka diyaarisay