Warbixin+Sawirro:- Shirkii Madasha wadatashiga qaran ee geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka oo oo caawa soo gebageboobey

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta ka qayb galay shirkii madasha wadatashiga qaran ee geeddi socodka hannaanka doorashooyinka 2016-ka oo maanta kusoo xirmay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa kasoo baxay 7 qodob oo gun dhiggoodu ahaa sidii waddanku hore ugu socon lahaa isla mar ahaan taasina looga bixi lahaa is jiid jiidka, khilaafka iyo  tukunka dhexgalay ummadda soomaaliyeed.

Shirka ayaa hakad galay tiroba dhowr jeer intii udhexaysey 12kii bishan ilaa iyo 16-kii oo maanta ahaa sababo la xidhiidha qodobo hore looga heshiiyey oo laburiyey iyo dastuurkii oo aan siduu ahaa loogu dhaqmayn sababtayna in dalku ka bixi waayey khilaafyo soo noq-noqday.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ka kooban labada gole ee dawladda Puntland iyo xubno kasocda Bulshada rayidka ah oo beryahan u joogey magaalada Muqdisho kaqayb galka shirkan ayaa dedaal xooggan u galay  sidii ummadda soomaaliyeed looga badbaadin lahaa cudurkan aafeyey ee qabiilka salka ku haya ee ah (4.5) isla markaasina loogu horseedi lahaa horumar, sinnaan, Caddaalad iyo isla-xisaabtan

—DHAMMAAD—

 Xafiiska Warfaaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Hoos ka akhriso qodobadii kasoo baxay shirka

Heshiis 1Heshiis 2

IMG_7761IMG_7768IMG_7777IMG_7779IMG_7784IMG_7787IMG_7795IMG_7797IMG_7799IMG_7801IMG_7808IMG_7809IMG_7819IMG_7821IMG_7837IMG_7840IMG_7859IMG_7860IMG_7863IMG_7865IMG_7871IMG_7879IMG_7882IMG_7885IMG_7889IMG_7895IMG_7900IMG_7907IMG_7928IMG_7932IMG_7937IMG_7941IMG_7943IMG_7945IMG_7950IMG_7954IMG_7958IMG_7972IMG_7974IMG_7984IMG_7986

About The Author