Dhagayso: Xildhibaan Cabdibare ’’Shirka Shalay ee Xamar laguma gaarin heshiis ee waxaa laga soo saaray qodobo saldhig u ah shirka kale’’
17 Dec 2015 (Puntlandes) Xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jibriil oo ka mid ah Xildhibaanada DFS ee ka qayb galay shirarkii Wadatashiga ee Muqdisho ka dhacay,ayaa sheegay in qodobada shirka laga soo saaray aysan ahayn heshiis ee ay yihiin qodobo loogu tala galay in lagu badbaadiyo in shirku uu burburo,maadama la isku fahmi waayay.
Xildhibaan Cabdibare ayaa wuxuu ku bilaabayaa ‘’Waxaan rabaa innaan shacabka Soomaaliyeed u sheego inaysan jirin wax heshiis ah oo la gaaray,maxaa yeelay heshiis waxaa la yiraahdaa marka wixii soo baxay la kala saxiixdo,markii uu shirku socon waayay oo Madaxa la isla galay,si aan shirku u burburin ee wada hadalku uu socdo ayaa waxaa laso saaray hadalkaa yar ee ku saabsan in shirkii uu dib u dhaco,waxyaaha laga wada hadlayona ay noqdaan kow,laba iyo saddex’’
Cabdibare ayaa sheegay in shirka muhiimka ah uu yahay kan ka dhacaya Kismaayo,waxaana uu xusay in muhiim ay tahay in shirkaas loo tooghayo.
‘’Wax heshiis ah oo la isku afgartay ma jiro,waxaa loogu tala galay inuusan shirku burburin,dadka leh waxbaa la khayaamay bisha 10-keeda haka taxadareen,waxaan shacabka Puntland iyo dadka Soomaaliyeed u sheegayaa inuusan jirin wax heshiis ah’’Ayuu yiri Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata.
Xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jibriil ayaa shacabka reer Puntland ugu hambalyeeyay go’aanka geesinimada leh ee ay ka qaateen Nidaamka xaaraanta ah ee 4.5,kaasi oo uu sheegay inuu yahay dulmi muddo lagu soo dhaqmayay.
Xildhibaan Cabdibare ayaa cadeeyey inuu si cad u diiday Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas in Qodobadii shalay warmurtiyeedka ku jiray in lagu daro in haddii lagu heshiin waayo Shirka Kismaanyo in arinta lagu soo celiyo Madaxweynaha DFS iyo Beesha Caalamka si ay go’aan uga gaaraan.
Xildhibaan Cabdibare ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay u diyaar garoobaan Shirka Kismaanyo ka dhacaya 10ka Janaayo 2016ka kaasoo ah midka go’aanka lagu gaarayo
Dhagayso Xildhibaanka Cabdibare
Puntlandes.com