Dhagayso: Falanqeyn VOA ee Heshiiska Shirkii Madasha

17 Dec 2015 (Puntlandes)  Madaxda Soomaalida ayaa shirkii Madasha Wadatashiga ee shalay soo gabagaboobay waxay ku sheegeen in la sameyn doono laba Aqal oo sharci darin ah (Aqalka Hoose & Aqalba Sare), iyadoo lagu  sheegay warmurtiyeed in xubnaha laba Aqal ka qeybgali doona lagu soo xuli doono habka Qabiil iyo habka deegaanka oo isku dhaf ah.

174b2

Warar lagu Kalsoon yahay oo Warbaahinta Puntlandes heshay waxay sheegayaan in wali aan heshiis rasmi ah laga gaarin Habka wax loo soo xulayo, Ma deegaan baa? Mise waa 4.5?.

Idaacadda VOA oo u ololaysa Rabitaanka Kooxda ka talisa Villa Somalia ee DAMUL JADIID ayaa waxay Barnaamija ay ugu magac dartay Falanqaynta Heshiiska Shirkii Madasha waxay ku waraysatay Prof Afyare Cabdi Cilmi oo macalin ka ah jaamacadda Qadar aadna u taageersan Habka qabiilka ee 4.5 isagoo.

Prof Afyare ayaa ka dariyey haddii aan la qaadan Habka 4.5 isagoo sida ay isaga la yahay sheegay inay ugu Dambayn Beesha Caalamku soo Faragelin doonto.

Dhageyso Falanqeyn Heshiiskii Shirka Madasha


Puntlandes.com

About The Author