Dhagayso-Sawiro: Banaan Bax Kadhan ah 4.5 iyo Madaxda U Ololaynaysa Oo Kadhacay Magaalada Garoowe
18 Dec 2015 (Puntlandes) Boqolaal kamid ah bulshada kunool magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Caasimadda ah si ay u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan in doorashada sanadka dambe ee 2016 lagu saleeyo hanaanka 4.5.
Mudaharaadka ayaa waxaa ka qaybgalay qaar kamid ah nabadoonada gobolka Nugaal, waxaaana dhammaan dadkii ka qaybgalay ay sheegeen inaysan aqbali doonin in dalka lagu celiyo qaabkii lagu soo xulay barlamaanka xilligaani jira.
Shacabka kunool magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ee ka qaybgalay mudaharaadka maanta ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo shaqsiyaad kale ku eedeeyey inay loolan xoogan ugu jiraan kulaabashada habka qabiilka ee 4.5, waxaana ay ugu baaqeen inay ka waantoobaan.
Dhanka kalena waxa ay ku eedeeyeen madaxda dowladda Soomaaliya lunsiga waxkasta oo lagu helay magaca Soomaaliya oo ay sheegeen in lagu masruufo magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen inaysan doonayn waxaan u cuntamin Puntland.