Sawiro-Dhagayso: Madaxweyne Gaas ”Waa kasoo Gudubnay Nidaamka Qabaliga ah, Wax Heshiis ah oo la gaaray ma uu jiro”

18 Dec 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Gaalkacyo, kadib markuu kasoo qayb galay shirkii Fashilmay ee lagu go’aaminayey habka doorashada 2016.

Madaxweyne Gaas oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in laga soo gudbay waqtigii Nidaamka Qabaliga wax lagu qaybsan jiray.

Madaxweynaha Gaas ayaa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeen intooda badan ay doonayaan in Deegaan wax lagu qaybsado lagana Gudbo Nidaamka Qabaliga ah.

Gaas  ayaa Xusay in Shacabka Puntland aragtidooda ay ka hadlaeen ayna doorteen hab deegaan, hadaan nahay madaxda Puntland na waxaan leenahay waa kasoo Gudubnay Qabiil, waana in inta badan ay Xukunto inta yar iyadoo la ilaalinayo Xuquuqdooda.

Gaas ayaa sheegay in Soomaaliya ay mudo kuso shaqaynaysay qabali,islamarkaana la joogo xiligii loogud bilahaa dowladnimo taama.

Madaxweyne Gaas ayaa yiri ”Xildhibaanka iyo Senet-ka waa inuu Deegaan metalaa” wuxuuna ku sii daray waa in Isbedel yimaadaa.

Dhagayso Gaas

 

IMG_8284IMG_8293IMG_8313IMG_8317IMG_8321IMG_8336IMG_8348IMG_8378IMG_8394IMG_8400IMG_8407IMG_8418IMG_8424IMG_8432IMG_8436IMG_8476IMG_8502IMG_8510IMG_8524IMG_8557IMG_8571IMG_8586IMG_8591IMG_8621IMG_8630IMG_8634IMG_8644IMG_8647IMG_8664

About The Author