Ma fahmaan miyaa, Madaxda Soomaalidu hannaanka xukun, ee lagu doortay iyo sida ay tahay in ay u dhaqmaan?
Waxaynu lasoconaa in ay jiraan, labo hab oo la isu xukumo. Kuwaas oo kala ah, talowadaag “Democracy” iyo kaligiitalis “dictatorship”.
Hadaynu ku bilowno qaabka kaligiitaliska ah, waxa uu yahay. Waa qaab xukun oo ay awooda oo dhami gacanta ugu jirto hal ruux ama hal koox, kuwaas oo aysan xadidayn shuruuc iyo dastuur toonihi ”form of government in which one person or a small group possesses absolute power without effective constitutional limitations”.
Gooxdaan ama qofkaani isagaa sharci ah. Dadkuna waxay ku gawracanyihiin wax kasta oo afkiisa kasoo baxa.
Waxaa caado ah in lacag lagu bixiyo ammaan iyo guulwadayn. Wax kasta oo masiir iyo aayaha dadkaas khuseeya qofkaas ama kooxdaas ayaa mas´uul ka ah oo siday rabaan ka yeela. Soomaaliya waxaa soomaray xukunkii Kacaanka oo ahaa kaligiitalis, kaas oo waddanka maamulayey 21 sano.
Waxaa habkaas kasoo hor jeeda, qaabka xukun ee talowadaaga ”Democracy”
Habkaan waxaa loo micneeyaa siyaabo badan. oo intuba ku soo aruuraya in ay shacabku talada wax ku leeyihiin. Si dadban iyo mid toos ahba. Waxay doortaan mataleyaashooda kuwaas oo wax kasta oo aan masiiri ahyn codayn ku meelmariya “ form of government in which the supreme power is vested in the people and exercised by them directly or indirectly through a system of representation usually involving periodically held free elections”. Abraham Lincoln isna sidaan buu ku micneeyey.
U.S. president Abraham Lincoln (1809-1865) defined democracy as:«Government of the people, by the people, for the people»
Xukuumaddii dadka, ka timid dadka oo u dhisnayd dadka . Waxaa xadida shuruucda iyo dastuurka lagu heshiiyey. Waxay leedahay muddo cayiman waxayna wakiil uga tahay awoodo cayiman “indirect democracy”.
Marka ay timaaddo xaalad massiiri ah, xaq uma laha in ay go´aan ka gaadho ee waxaa loo bahanayaa in la fuliyo, “direct democracy” middaas oo khasab ka digaysa in shacabku si toos ah ay u doortaan waxay iyagu rabaan, “ referendum”= A referendum is a form of direct democracy. Marka la dhaqan gelinayo codaynta tooska ah, waxaa dadka laweydiiyaa in ay u codeeyaan Maya ama Haa. Europe sida badan waxaa ka dhacda codayntaas oo kale. Tusaale Scottish independence referendum, oo yes ay u codaysay 44.7% halka no u codaysay 55.3%. Waxaa kale oo dadka reer Europe la weydiiyey in ay galaan EU iyo in ay diidaan, Norway iyo Switzerland maya bay yiraahdeen. Hadana Euro ma qaadanaa misse maya, baa la weydiiyey Sweden, Denmark iyo UK maya bay yiraahdeen.
5 July 2015 waxaa “referendum” laga qaaday waddanka Greece ama Griiga si ay ama u diidaan “bailout conditions” shuruudihii ku lifaaqnaa, badbaadinta dhaqaale ee ay EU u soo jeedisayey.
Haddaba sida cinwaankeena ka muuqata, Ma fahmaan miyaa, Madaxda Soomaalidu, sida ay tahay in ay u dhaqmaan, iyo shaqada ay u xilsaaranyihiin?
Waxaan u soo qaatay su´aashaas. Markaan arkay hab dhaqanka iyo qaab xukunka is khilaafsan ee Somaaliya looga dhaqmo.
Waxaan haysanaa dimoqoraadi dadban. Habkaas oo loo maro in ay wax doortaan odayaal iyo hogaamiye dhaqameed shacabka wakiil ka ah. Odayadu waxay doortaan xildhibaano bulshada matela “Indirect democracy”. Nimankaan! marka la doorto baa horta ugu danbaysa hab dhaqanka talowadaaga. Maskaxdooda waxaa ku go´an, habkii uu kacaanku wax u maamulijirey. Waxay doortaan, qof ay lacag ka qaateen, si uu u hogaamiyo golaha fulinta.
Maalinta ay doorteen, baa iyagana talo ugu danbaysa, oo waxaad mooddaa kalsoonidii la siiyey oo ay siiyeen odoyaasha matelaya shacabku in ay ka iibsheen qofkaas. Qofkaasina illeen awalba lacag buu kala baxay booskaas ama jagadaase, wuxuu u dhaqmaa sidii Maqaaxi uu asagu leeyahay. Waaba la yaabin ciddii tiraahda war see wax u waddaa oo xagee wax ku waddaa?.
Waxaa markaa dhacda in qofkaasi uu bedelo, qaabkii talowadaaga oo uu tuuro dastuur, sharci iyo wax maqalba. Waxaa sharci noqda hadalkiisa.
Qofkii hadla, waa la xirin, wuxuu laaluush iyo musuqmaasuq ku abuuraa koox ammaanta oo dacaayado ku sunta qofka yiraahda sida wax loo wadaa waa waddo qalloocan.
Waxaa jirta, kalmado, hadda caado noqotay oo ah “ku kalsoonaada madaxdiina” iyo kuwo kale oo ah madaxda uga danbeeya talada. Qofkii yiraahda madaxda looma dooran in ay go´aan noocaas ah, ay kaligood qaataan. Waxaa la oran, waa qaran dumis iyo wuxuu wadaa in uu abuuro kicin dadweyne iyo waa xaalad abuur. Horta ma fahmaan miyaa??
Shacabku waa in aysan u dhago nuglaan kuwaas. waa in ay is weydiiyaan sababta ay waddamada dimoqoraadigaa uga abuurmi weydey xaalad ama khalkhal siyaasadeed.
Horta ma fahmaan miyaa in marka la waayo tixgelin sharci, oo ay caado noqoto kutumasho dastuur, in ay si iskeed ah u abuurmayso xaalad iyo khalkhal siyaasadeed.
Somaalida madaxdeeduse ma gartaan miyaa, in casrigii kaligii talisku uu dhamaaday?
Tusaale waagii taliskii Kacaanka, waxaa xadidnaa warbixinta, oo si sahala looma heli jirin waxa dhacaya. Ama haka dheceen caalamka ama gudaha. Laakiin maanta wax kasta oo kadhaca meel kasta oo caalamka ka mid ah, daqiiqad gudahood ba internet:ka iyo baraha bulshada laga daalacdaa. Waxay shacabku arkayaan, sida loo noolyahay, habka loo dhaqmo iyo waliba habka fiican. waxay si toosa u daawanayaan doodaha iyo habka go´aan qaadasho iyo sida xorta ah, ee ay bulshada caalamku fikirkooda uga cabirayaan saxaafadda iyo baraha bulshada.
Marka soo iyaga dhib iyo dhiigkar kuma aha markay isku dayaan in ay caburiyaan dadkaas. Ama isku dayaan in ay sheegaan wax aan ahayn xaqiiqda. Sow sida hadda Soomaalida dhexdeeda caadada ka noqotay la oranmaayo, hebel waa beenlow, waa waalanyahay iyo iwm.
Maxaa looga waayey qof inta fekera, garta in aan la joogin xili hab kaligiitalis wax lagu maamulo?
WQ: Maxamed Saliid
Daabacaada:Puntlandes.com