Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo iscasilay
19 Dec 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cabdiraxaman Jaamac Warsame ayaa Maanta shaaca ka qaaday inuu xilkii Gudoomiyenimo uu iska casilay, isagoo is casilaadiisa ku sababu uga dhigay arimo ugaar ah isaga.
Gudoomiyahii hore ee Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cabdiraxaman Jaamac ataa xilka loo doortay dhamaadkii sanadkii 2014, isagoo aab Saxaafadda siin wax faah faahin ah oo ku saabsan sababta keentay inuu xilka baneeyo.
Cabdiraxaman ayaa Shacabka Puntland ku amaanay sidii ay ula soo shaqeeyeen mudadii uu xilka hayey.