Dahagayso: Xasan Sheekh oo ka hadlay 4.5 ”Siyaasadda la isma siiyo ee waa la is riixaa”
19 Dec 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Kheesh oo maanta ka jeediyey Qudbad dheer soo xiritaanka Shir la sheegay inuu ”dhalinyaradda Soomaaliyeed” uga socday magaalada Xamar ee Xarunta Gobolka Banaadir ayaa ku dheeraaday ka hadalka Habka Cadaalad darrada ku dhisan ee 4.5ta.
Xasan ayaa ku qiray Khudbadiisa inuusan ku salaysnayn Cadaalad habkaasi ayna ku dhegen yihiin Dad iyo siyaasiyiin wax ku helay habkaas aan Cadaaladda ahayn, isagoo hadana ka warwareegay ka gudubkiisa qiilna uga dhigay inaan lahayn wax looga gudbo.
Xasan Sheekh ”Boqortooyadda Ingrisska kuma daysan karno oo dawladeedu 1000 sano ka badan soo jiray” ayuu jiri isagoo ka hadlaya Dimoqraadiyada iyo isdoorashada.
Dhanka kale Xasan Sheekh oo ka hadlayey siyaasadda Soomaalida ayaa sheegay inaan Fadhi waxba la isku siin wuxuuna yiri ´”Siyaasadda la isma siiyo ee waa la is riixaa”
Dhagayso Khudbadda madaxweyne Xasan Sheekh Qaybta 1aad
Dhagayso Khudbadda madaxweyne Xasan Sheekh Qaybta 2aad
Puntlandes.com