DHISMAHA GAROONKA DIYAARADAHA BOSASO OO LASOO GABA-GABEEYAY
19 Dec 2015 (Puntlandes) Wajiga koowaad dhismaha garoonka diyaaradaha magalada Bosaso ayaa lasoo gaba-gabeeyay maalinkii shalay, waxaana lagu wadaa todobaad-yada soo socda in la furo.
Maareeyaha garoonka diyaaradaha Bosaso Bashiir Muuse Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay hadda diyaarsan tahay 2km iyo 400-mitir dhabada ay diyaaraduhu ku ordayaan, goobihii ay istaagi lahaayeen iyo baakinadooda, sidoo kale waxa uu sheegay in dhisme ku socda guriga loogu addeegayo dadwaynaha raacaya ama kasoo degaya diyaaradaha kusoo xiran doona Airpost-ka.
Bashiir Muuse ayaa sheegay inay hadda socota hagaajinta haraaraha goobaha ay diyaaraduhu istaagayaan, ayna ku rajo weyn yihiin howlahan socda inay dhamaan doonaan, waxa kale uu tilmaamay inay harsan yihiin gaadiidka shidaalka ku shubi lahaa diyaaradaha iyo kuwa dab-damiska kuwaasoo uu sheegay inay waddada kusoo jiraan.
Shirkadda dhisaysa garoonka ayaa dib ugu laabanaya wadanka Shiinaha halkaasoo mudo bil ah ku maqnaan doonaan madaxda iyo shaqalaheeda, waxana dib looga wada tashanayaa sidii loo bilaabi lahaa dhismaha kunka KM ee harsan sida uu qorshuhu ahaa.
Dhaqaalaha lagu dhisay wajiga koowaad garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa waxaa ku deeqday dowladda Talyaaniga oo ka mid ah dalalkii gumaystay Soomaaliya, sidoo kale dowladda Puntland ayaa dhul ay degto siisay shirkada CCECC oo wajiga koowaad garoonka ku guulaysatay.
Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa lagu wadaa inuu goob joog u noqdo furitaanka wajiga koowaad ee garoonka diyaaradaha kaasoo wax badan ka badali doono baahidii duulimaad ee Puntland ka taagnayd.
Sawiradda & waraysiga waxaa qaaday Cali Cabdi Ducale Puntlandpost
Xigasho:Puntlandpost.com