Sawiro-dhagayso: 72 Guuradii ka soo Wareegtay markii la aasaasay Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Garoowe laga xusay

20 Dec 2015 (Puntlandes) Munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 72-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ciidanka Booliska soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay xarunta cilmi baarista Puntland PDRC ee magaalada garoowe waxaana ka soo qayb-galay gudoomiyaha baarlamaanka Puntland,wasiirka amniga iyo marti sharaf kale oo ka kala socotay golayaasha dowladda.

Taliyaha Ciidanka booliska Puntland Sareeye guuto cabdirasaaq afguduud ayaa sharaxaad ka bixiyey xiliyadii la aasaasay ciidanka booliska soomaaliya iyo ciidanka booliska puntland waxaana uu sheegay in ciidanka Booliska Puntland ay horumaro badan gaarsiiyeen tan iyo intii xilka xilkaas loo magaacabay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo munaasabada furay ayaa u hambalyeyey ciidanka booliska soomaaliyeed waxaana uu sheegay in ciidanku uu yahay kan dhowr amniga bulshaduna ay si wanaagsan ula shaqayso.

Wasiirka amniga Puntland cabdi xirsi cali qaraj ayaa hambalyo u diray ciidanka booliska soomaaliyeed waxaana khubad dhinacyo dabadan taabaynasa oo uu ka jeediyey uu dardaaran u jeediyey ciidanka booliska Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ugu baaqay xukuumada inay bixiso xuquuqda ciidanka booliska Puntland si ay ciidankuna u gutaan waajibaadkooda waxaana uu intaa intaa ku daray in hadii ciidanku aysan daqli soo xarayn aysan helayn xuquuqda ay leeyihiin.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ka hadlayey gaadiid ay beeluhu kala dhacaan ayaa sheegay intaas ay wax u dhimayso jiritaanka dowladnimada Puntland waxaana uu ka codsaday laamaha amaanka in cidii qabsada gaari ay talaabo ka qaadaan.

Qarjab ayaa sidookale ka hadlay dadka lagu soo qabto dambiyada waxaana uu u soo jeediyey Maxkamadaha inaysa soo dayn dadka ay ciidanku soo qabtaan waxaana uu uga digay cidii ka daba timaada cida danbi lagu soo qabtay ay dambiile noqonayaan talaabo cadna laga qaadi doono.

Ugu dambeyn,waxaa la dhisay ciidanka booliska Soomaaliya sanadkii 1943,waxaana muddooyinkan ku socday dib u dhis iyo qaabeyn, waxaana markii u horeysay ay ciidamada yeesheen qeyb ka mid ah ciidamada miino baarista iyo ciidamo si gaar ah u tababaran.

Dhegeyso taliyaha iyo wasiirka

 

 

 Sawirro

vlcsnap-2015-12-20-13h44m41s232 vlcsnap-2015-12-20-13h45m03s192 vlcsnap-2015-12-20-13h45m18s87 vlcsnap-2015-12-20-13h45m29s192 vlcsnap-2015-12-20-13h45m41s55  vlcsnap-2015-12-20-13h46m22s213 vlcsnap-2015-12-20-13h46m44s181  vlcsnap-2015-12-20-13h47m14s221  vlcsnap-2015-12-20-13h48m12s37vlcsnap-2015-12-20-13h48m41s70 vlcsnap-2015-12-20-13h49m14s145   vlcsnap-2015-12-20-13h50m00s86 vlcsnap-2015-12-20-13h50m11s196 vlcsnap-2015-12-20-13h50m20s38 vlcsnap-2015-12-20-13h50m35s182 vlcsnap-2015-12-20-13h51m13s51 vlcsnap-2015-12-20-13h51m17s95 vlcsnap-2015-12-20-13h51m42s84 vlcsnap-2015-12-20-13h52m02s29 vlcsnap-2015-12-20-13h52m07s80 vlcsnap-2015-12-20-13h52m18s187 vlcsnap-2015-12-20-13h52m22s235 vlcsnap-2015-12-20-13h52m41s163 vlcsnap-2015-12-20-13h53m03s132 vlcsnap-2015-12-20-13h53m21s52 vlcsnap-2015-12-20-13h53m31s152

About The Author