Akkhriso: Inta ay le’eg yihiin dadka taageerad u haya in 4.5 lagu saleeyo doorashada Soomaaliya 2016 ka

Xilli siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay aad ugu kala aragti duwan yihiin habka loo soo xulayo xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya sannadka 2016, markaasoo la filayo in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorashada dowladdii bedeli lahayd tan Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Golaha Gorfeynta Siyaasadda iyo Falaqeynta Arrimaha Soomaaliya ee 88 qaaday ra’yi ururin ku saabsan awood qeybsiga 4.5.

Ra’yi ururinta waxaa ka qeyb galay 1512 oo ruux oo ku kala nool qaaradaha adduunka.

Waxaa 4.5 taageeray 76 qof (5.06%)

Waxaa 4.5 diiday 1432 ruux (94.94%)

178c1

Aftidan la qaaday ayaa ka tarjumaysa qiyaas ahaan inta ay la egtay tirada dadka 4.5 raba in dalka lagu maamulo iyo kuwa diidan nidaamkaasi ee doonaya in horey looga dhaqaaqo.

Xigasho: Puntlandone

About The Author