Isku dhexyaaca qaabka hogaamineed ee Soomaalida.

Massawirkaan hoose wuxuu ina tusayaa qaab dhismeed maamul (Organizational  structure), midkooda ugu sahlan.  Waa sida ay hawsha hogaaminta Soomaalidu si afka baalkiis ah ugu qaybsan tahay. Laakiin, Xaqiiq ahaan,  Midka ugu korreya, baa si toos ah u qabta shaqada kan ugu hooseeya. Halka kan ugu hoosaya iyo inta ka sarraysa ay Daawadeyaal sida  badan  ka yihiin shaqada.

179a

Waxaynu maqallaa intaas, Madaxweyne, Taliyaha ciidanka ugu sarreeya, Wasiirka qayb kamida xukuumadda  oo arrin ay ahayd in uu qabto, booliska xaafada, belediyada xaafada, ama gudoomiyahay Degmadu, iyagoo faraha kula jira.

Iyadoo ay taasi jirto baan hadana waxaan maqalaa, madaxda oo intaas ka hadlaysa Maamul wanaag, baahin xukun, kala danbayn, mas´uuliyad iwm.

Haddaba waxaan is weydiiyey su´aasha ah, Maxaa khaldan?

Soomaalidii horaa hadal dhamaysay, oo ku maahmaahday “Aqoon la´aani waa iftiin la´aan”.

Isku dhexyaacsanaanta waxaa saldhig u ah aqoon la´aan.

Waxaa jirta fahan la´aan ka jirta xagga hogaaminta, waxaana faham khaldan laga haystaa hogaamiye.

Sida badan, waxaa Soomaalidu hogaamiye (Leader) u taqaan “foreman” ama ilaaliye goob shaqo, si ay shaqadaasi ugu qabsoonto sidii loogu talo galay. Foreman:ku wuxuu uga duwanyahay hogaamiyaha in uusan lahayn Yool iyo jid ama Istratejiyad ( strategy) lagu gaaro  yoolkaas. Hawshiisu waxay ku xiran tahay shaqada maalintaas la qabanayo ama sida joogtada ah maalin kasta loo qabto, waxa loo yaqaan (daily Operations). Shaqadaasi waa mid qeexan, oo leh meel ay ka bilaabato iyo meel ay ku dhamaato. Waxay leedahay qaab ( routine) loo qabto shaqadaas oo si sahal ah loo bari karo qof cusub.

Haddii ay joogsi ama caqabad ku timaado, waxaa la yaqaan waxa keenay oo maskax dheeraad ah uma baahna, ama Mashiin baa fariistay, shaqaalaa jirraday, waddaa go´day ama xaalad kale baa timid “deviations”. Waxaa qabta Xirfadle  (professional), sida, bir tume, makaanig (mechanic) dhaqaale yaqaan (economist) alxanle, engineer, dhakhtar iwm.

Dhinaca kale hogaamiye, wuxuu u xilsaaranyahay Yoolka meel loo socdo iyo jidka iyo Istratejiyadda la marayo  ( strategy).

Wuxuu hogaamiyaa, koox kale oo hogaamiyeyaal ah (Executives) ama (Group managers) kuwaas oo mid walibaa u xilsaaran yahay Qayb ama Farac ka mida Organization,ka kuwaas oo sida massawirka ka muuqata, uu farac waliba leeyahay (team leaders) ama hogaamiye kooxeed hoose.

Hogaamiye kasta wuxuu mas´uul buuxa ka yahay shaqada kooxdiisa laga rabo, Isagaana u xil saaran, maaraynta iyo xal u helidda caqabadaha soo wajaha.   

maaraynta iyo xal u helidda caqabadaha.  

Meesha arrini ka quruntay waa halkaan, maaraynta iyo xal u helidda caqabadda shaqada uu qofku u xilsaaran yahay. Iyo u dallacsiinta, madaxdda ku xigta hadday isaga ka tan badato. Qaadasho Mas´uul (idinkoo dhami waxaad tihiin raaci, waxaana qofkasta oo idin ka mida laweydiin wixii uu mas´uulka ka ahaa).

Waxay Soomaalidu sida waddamada Caalamka leeyihiin qaab dhismeed kala hooseeya oo uu qof waliba meel ku magacaabanyahay.

Laakiin waxaad mooddaa in masuuliyadda shaqada la qabanayo oo dhami ay saarantahay Qofka u sarreeya meesha, sida madaxweynaha, Wasiirka, Taliyaha ciidamada iwm.

Tusaale, waxaa la rabaa in shaqo Gobol ama Degmo laga qabto. Waxaa loo baahnaanayaa in uu madaxweynuha, wasiirka u xilsaaraan faracaas ama taliyeha guud ee ciidamadu ay yimaadaa oo inta xal, laga helayo ay meeshaas ku sugnaadaan.

Iyana uma qabaan in qofka shaqadaas ku magacaabani uu fulin karo, hawshaas. Waxaa intaas dheer in kuwa, shaqadaas ku magacaabanina aysan u qabin in iyaga laga amar qaadanayo, haday isku dayaan in ay fuliyaan.

Marka ninka meesha ugu sarreyaa wuxuu isu qabaa “Foreman”, wuxuu taaganyahay meel ka mida meelaha hawl maalmeedku ka socoto. Intii ay ahayd in ay fuliyaan hawshaasna, isagay daba yaacayaan illeen isagaa ka mas´uulee.

Meeshaas waxaa ku lumaya hawshii guud ee hogaamineed, ama ruuxa hogaamiyahaa uu u xil saarraa.

Tusaale baan waxaan usoo qaadan, arrin magaalo Soomaaliya ah ka dhacday.

Waxaa dhacday in la weydiiyey wasiir amni, in uu ka sheekeeyo waxa u qabsoomay intii uu joogey wasaaradda. Kaas, oo jawaabtiisii oo dhami ku soo urudhay, in uu Sameeyey “Youth club” Maqaaxi ay Caruurta iyo dhalinayaradu ku qaxweeyaan oo Bilyaardi (Billiards) ay ku ciyaaraan. Si buu yiri looga ilaaliyo caruurtaas, in Alshabaab wakhti ugu hesho.

Ogoow, ninkaas waxay shaqadiisu ahayd Ammaanka waddanka oo dhan, laakiin wuxuu kusoo koobay Xaafad kamida 250 Xaafadood oo intaasba dhalinyaro u nugul arrinta uu sheegay ay joogaan.

Waa shaqadii local Police:ka iyo gudiyada Xaafadaha. Hadda ogoow in ay intaasi ay dhisan yihiin. Jawaabtu, waa shaqaduna makala cayinna, mas´ uuliyaddana lama kala laha.

Haddaad u tilmaanto in ninkaan maanta oo dhan ordayey, in uu dayacay shaqadiisii, wuu kuu caroon oo wuxuu sheeg, sheegin in uu maanta oo dhan uusan nassan oo uu shaqo dalka u hayey, waana run!.

Laakiin ma aha shaqadiisii. Waddamada reer galbeedku waxay inta badan isticmaalaan weedhaan “doing right things is better than doing things right” Waa in aad marka hore shaqo sax ah haysid, markaas bay imaanaysaa in aad shaqadaas si sax ah u qabatid.

Tusaale Haddii aad guri dhisaysaan adiga iyo qof kale. Markaa adiga lagugu qaybshey in aad Derbiga dhisto, isna uu dhoobada walaaqo. Haddad subax kasta inta soo kallahdid aad ninkii dhoobada la walaaqdo, see xaalku noqon?

Waxaa imaanaysa in asbuuc ka dib looyimaado, Kaariko,  dhoobo ah oo walaaqan, oo weliba aan cidina waxba ku qabsan Karin!, Illeen waa adkaataye. Hadda ogoow Derbina wali ma dhisna. Sow shaqadaadii, Hal bacaad lagu lisay noqonmayso?. Dhidid iyo dhabar jabna kuguma yara.

Haddaba haddaynu qormadeena u soo noqono, waxa ugu weyn ee sababta u ah isku dhexyaaca hogaamineed waa aqoonyari.

Waxaa laga yaaba in akhristuhu su´aal ka keeno arrintaas oo uu ku doodo. In hogaamiyeyaasha Soomaaliya ee maanta, ay wada PhD, M.Sc. iyo waxa u dhigma wada haysta?.

Laakiin bal adba isweydii, haday aqoon dhabihi meesha taal maxaa shaqadooda nuxurka ka saaray?

Sidaan kor kusoo xusay, waxaa jira hogaamiye iyo Xirfadle.  Xirfadleyaal ayaa raba, iyagoo aan “hogaamin” aqoon u lahayn (kuna talo jirin in ay bartaan) in ay ina hogaamiyaan. Arrini waa Ha wareegacadayso!.

177c3

WQ: Maxamed Saliid

Daabacaada:Puntlandes.com

 

 

 

About The Author