Waa kuma Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug?
23 Dec 2015 (Xassan Maxamed Khaliif oo Ku magac dheer Xasan Abgaalow ayaa maanta oo arbaca ah dikreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas loogu magacaabay Gudoomiyaha Gobalka Mudug.
Xasan Abgaalow wuxuu Ku dhashay Dagmada Gaalkacyo ee magaalo madaxda Gobalka Mudug, Wuxuu Waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexaba ku qaatay degmada hobyo halka uu waxbarashadiisii dugsiga sare iyo ugu danbayn tii jaamacadeedba uu ku qaatay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaliya.
Xassan Abgaalow wuxuu kamid ahaa Ciidamadii xooga Dalka Soomaliya xiligii Dawladii Kacaanka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa maxamed siyaad barre, Wuxuu tababaro dhanka ciidanka ah kusoo qaatay Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga Wuxuuna ciidanka ka gaaray darajo sare.
Kadib Markay dhacday Dawladii Kacaanka ahayd 1991 Xassan Maxamed Khaliif( Xassan Abgaalow) wuxuu kamid ahaa Shacabkii Soomaaliyeed ee aan dalka dibadiisa u dhoofin, mudadii burburka wuxuu ka shaqayn jiray arrrimaha bulshada iyo horumarintooda. Wuxu ahaa Ganacsade isla markaasna ah Nabadoon marwalba u taagan Xalinta Khilaafaadka Bulshada dhexdeeda. Wuxu sidoo kale kasoo shaqeeyay dhanka horumarinta waxbarshada wuxuuna ahaa Aasaasihii Dugsiga hoose, Dhexe iy Sare ee Harare oo ku yaal dagmada gaalkacyo oo ay manta ka aflaxeen ardo badan oo ree Puntland ah iyo Kuwo Soomaliyeed.
Xassan Abgaalow ayaa kamid ahaa 10kii sano ee u danbaysay gollaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo, waxayna ahayd horaantii sanadkan 2015 markii uu u tartamay Duqa degmada Gaalkacyo wallow labo cod uu uga guulaystay Mr Nugaal oo hada ah duqa degmada Gaalkacyo.
Magacaabida Xassan Abgaalow ayaa kusoo aadaysa xili xasaasi ah oo uu Gobalku dagaal ku jiro isla mar ahaantaasna horrumarka gobalku gaabis yahay, waxaa looga fadhiyaa Gudoomiyaha Cusub in uu la yimaada Barnaamij Difaac iyo Mid Horumarineed oo isbadal weyn u horseedi kara Gobalka Mudug.
Puntlandes.com
Xafiiska wararka Gaalkacyo.