Daawo sawiro laga soo Qaaday Dekedda Bosaso
24 Dec 2015 (Puntlandes) Dekada magalada Bosaso waxay ka mid tahay meelaha ugu waa weyn ee dhaqaaluhu kasoo galo dowladda, waxaana isticmaala ganacsato Soomaaliyeed iyo shirkado.
Dowladda ayaa sidoo kale wax kala soo degto halkan, waxaana la ii sheegay inay maalin kasta u shaqo tagaan dad ka badan 100 qof oo isagu jira kuwa gaadiidka wata iyo dhalinyaro xoog-sato ah.
Xilliga aan booqday dekadda waxay ahayd mid ay ku xiran yihiin doonyo ganacsi oo agabyo kala duwan laga rogayo, sidoo kale dekada waxaa ku xiran gaadiid cusub oo qaarkood loogu talo galay ciidanka booliska Puntland.
Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Puntland ayaa horay u sheegay in dib u habayn lagu samayn doono marsadan ayna ku rajo weyn yihiin inay noqon doonto kuwa ugu horumarsan Soomaaliya.
Daawo sawiradda uu kasoo qaaday Cali Ducale dekada magalada Bosaso kuwaasoo gaar u ah Puntland Post
Xigasho: Puntlandpost