Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Issimada intooda joogta Garowe

0

Madaxweynaha Puntland Dr Gaas ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay Isimada Puntland intooda joogta caasimada Puntland ee Garowe.

Kulankaan ayaan faahfaahin laga helin balse xoggo laga helayo ayaa sheegaya inuu hordhac u yahay shir maalinta berri ah dhexmari doona Issimada Puntland intooda joogta Garowe iyo ergeyga QM u qaabislan arrimaha Somalia Nicholas Key.

Wararka ayaa sheegaya in Dr Gaas uu codsadey kulankaan Issimada madaama Ergeyga QM Nicholas Key la kulamyo maalinta berri ah 17 August,2014 odoyaasha dhaqanka intooda ku sugan Garowe.

Lama oga sababta Nicholas Key u codsadey la kulanka Issimadaan iyadoo laga warqabo in maalinta berri ah la xusayo sanadguuradii markii xafiiska QM laga furey wadanka Somalia.

Nicholad Key ayaa alaaba la kulma Issimada Puntland iyo kuwa Somalia isagoo kala xaajooda arrimaha Somalia taasoo mararka qaarkood ku abuurta shakii siyaasiyiinta Somalida.

Madaxweynaha Puntland aya dhowaan diidey ka qaybgalkiisa kulan golaha amaanka kula lahaa madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland, Galmudug iyo golaha loo xilsaarey maamul u dhiska gobolada Koonfur Galbeed

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *