Dhagayso-Sawiro: Khudbadii Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif mrkuu xilka la wareegayey & waxa uu balan qaaday
27 Dec 2015 (Puntlandes) Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo maanta ka hadlay munaasabad ballaaran oo uu Xilka kula wareegay ayaa waxa uu ka jeediyey Khudbad aad iyo aad u qiimo badnayn ayna si aad ah usoo dhaweeyey Shacabka Gobolka Mudug gudo iyo dibadba, iyadoo uu kaga hadlay waxa uu u qabad doono Shacabka Gobolka Mudug taasoo uu ah Awoodiisa sida uu Dastuurka Puntland uu sheegayo.
Gudoomiye Xasan ayaa waxaa uu Khudbadiisa kusoo qaatay Qodobo Awoodiisa Dastuuriga ah oo uu balan qaadayo inuu u fuliyo sida Dastuurka Puntland sheegayo, waxayna kala yihiin Qodobadaas:
- Anigoo fulinaya ilaalinta Siyaasadda iyo Shuruucda dawladda Puntland, waxaan ku dadaalayaa adkaynta Nabad gelyada iyo Xasiloonida Gobolka Mudug
- Waxaan ka shaqaynayaa isku xirka Madaxda Nabadgelyada Gobolka iyo Degmooyinka iyo Odoyaasha Nabadgelyada ka shaqeeya.
- Waxaan ku dadaalayaa Xalinta iyo maaraynta Khilaafaadka
- Waxaan kormeerayaa Fulinta Qorshayaasha Horumarineed ee Degmooyinka
- Waxaan isku xirayaa Qorshayaasha Horumarineed ee Degmooyinka Gobolka iyo Dawlada dhexe
- Waxaan kormeerayaa Fulinta Qorshaha Siyaasadeed ee dawlada Dhexe ee Gobolka Mudug iyo degmooyinkiisa
- Waxaan hawlgelinayaa, hawlahoodana ku kormeerayaa madaxda Nabadgelyada Gobolka, Degmooyinka iyo madaxda maamulka laamaha dawladda ee heer Gobol
- Waxaan ku dadaalayaa inaan Xiriir wadashaqayn la yeesho Isimadda Gobolka, Nabadoonadda Beelaha , Ganacsatada, Culimaa’udiinka, Aqoonyahanka, ururadda Haweenka iyo Dhalinyada Gobolka Mudug.
- Waxaan kormeerayaa, ilaalinayaana Mashaariicda Horumarineed ee dhaxal galka ahayd ee dawladdu ka fulisay magaalada Gaalkacyo, wixii dhimana waxaan ku dadaalayaa sidii loo dhamaystiri lahaa
Gobolka Mudug ayaa waxaan ka jirin maamul dawladeed oo taaba qaada ilaa iyo burburkii dawladdii Soomaaliya 1991dii. Gudooomiyaha Gobolkuna intii ay Puntland jirtay ma lahayn awooda uu siinayo Dastuurka Puntland, waxaana ka jiray isku dhex yaax iyo kal dambayn la’aan taasoo keentay inuu maamul dawladeed oo dhab ah ka hano qaado Gobolka Mudug.
Shacabka Gobolka ayaa Dibad iyo Gudaba soo dhaweeyey Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug iyagoo kulana shaqaynaya kana filanaya in Gudoomiyahu uu ku shaqeeyo Awoodiisa Dastuuriga ah.
Dhagayo Guddoomiyaha Xasan Maxamed Khaliif