Sawiro: Kal Fadhigii Afaraad ee Golaha Deegaanka Degmada Baargaal oo soo xirmay

Dhamaadkii Todobaadkii La soo Dhaafay waxaa ku soo idlaalmay xarunta
dawlada hoose ee Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu kalfidhi Afaraad
ay yeesheen xubnaha golaha Deegaanka Degmada Baargaal , Kalfadhigaas
oo ahaa mid caadi ah ayaa waxaa soo xaadiray Baddi Xildhibaanada
Golaha Deegaanka Degmada baargaal.

Kalfadhigaas oo ahaa mid albaabadu u xiranyihiin ayaa lagu gorfeeyay
ajanadayaal muhiim u ah habsami u socodka shaqada maamulka Degmada ,
isla markaana ay ka mid ahayd Ansixinta miisaaniyada golahu uu ku
shaqayn lahaa sanadka soo socda ee 2016 iyadoo sidoo kale xildhibaano
lagala noqday xubinimadii golaha deegaanka ee Degmada Baargaal kadib
markii ay buuxin waayeen xeer hoosaadka Golaha Degaanka ee Degmada
.

kalafadhigaas ayaa markii uu soo idlaalay waxaa Warbaahinta uga
waramay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Abuukar Axmed Yuuusuf oo
shir gudoominayay Kalafadhigaas socday muddo todobaad ah ,

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu guul ku dhamaaday Kalfadhigoodii, waxana uu yiri:

” Waa Alle mahadii mar hadii uu guul ku dhamaaday kalfadhigii Golaha
Degaanka ee Degamada Baargaal, waxaan u mahadnaqayaa xildhibaanadii
soo xaadiray Kalafadhigaasi ee ka soo qayb galay dooda , iyo sidoo
kale marti sharaftii nagala soo qayb gashay intii uu kala fadhigu noo
socday oo ay kamid ahaayeen Xildhibaano Ka socday Barlamaanka Puntland
oo deegaanka Kormeer kumaraayay.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” sidoo kale intii
kalfadhigani socday ayaa waxaa lagaga dooday Ajandayaal muhiim ah oo
ay ka mid ahayd Ansixinta Miisaaniyada D/Hoose, Ansixinta Xeerar
muhiim u ah habsani usocodka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Dardargalinta
hawlaha shaqo ee D/Hoose iyo Golaha Degaanka ee Degmada Baargaal ”

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale shaagay in kala fadhigan ay ansixyeen
Sanduuqa Horumarinta Degmada Baargal oo loo magaacaby guddi ka kooban
13 xubin oo isugu jira ganacsatada iyo culumaaudiinka Deegaanka si
looga dhabeeyo baaqii madaxweynaha Dawlada Puntlad Prof. C/wali
Maxamed Cali Gaas ee ahaa Puntland ha isku tashato.

Dinaca Kale Maamulka iyo xildhibaanada golaha degmada Baargaal ayaa
guddi u diray soo kormeera deegaanka iyo xaalufka ka jira ayagoo
gudigaasi warbixintoodii ku soo bandhigay Kalafadhigii todobaadkan.

ugu danbayntii Maamulka iyo xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada
Baargaal ayaa booqashooyin kormeer ah ku tagay mashaariicda
horumarinta ee ka socda Degmada Baargaal sida dhismaha Guriga
Dhalinyarada Degmada oo hada dhismihiisu socdo , sidoo kale waxay
xildhibaanadu soo indha indheeyay dhulkii laga hirgalin lahaa
dhismaha wasaarada Deegaanka iyo duurjoogta puntland ku yeelan lahayd
Degmada Baargaal ayagoo qorshaynaya inay dhulkaasi ku wareejiyaan
wafdi ka socda wasaadarada deegaanka Puntland.
181c

181c1

181c2

181c3

181c4

181c5

181c6

181c7

181c8
Maxamed Ibrahim Axmed
Baargaal-Gobolka Gardafuu

 

About The Author