Daawo-Akhri: Muuse Biixi oo ka hadlay DFS ooh or Shir ku Saabsanaa Berbera Korridor oo Addis Ababa ka Furmi Lahaa!

28 Dec 2015 (Puntlandes)  Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna musharraxa madaxweynenimo ee Xisbigaas  Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in DFS ay is hortaagtay shir looga hadli lahaa mashruuca loo yaqaanno Berbera Korridol, kaasoo lacag loogu ururin lahaa waddooyin waaweyn oo isku xidha Dekedda Berbera iyo Togwajaale oo ku taalla xaddka somalia/Somaliland iyo Ethiopia.

Guddoomiye Biixi  oo la hadlayey Xaflad arday ka qalin jabisay Jaamacadda Hargeysa ay shahaado ku qaadanayeen, ayaa shegay in shirkaas ay hor joogsatay DFS wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya ” Addis Ababa toddobaadkan  wax aka socday shir ay iskugu tageen dalalka Somaliland daneeyaa oo ay doonayeen inay dhaqaale ku ururiyaan sidii loo hirgelin lahaa Berbera Corridol sidii loo hirgelin lahaa in Berbera dekedeeda la ballaadhiyo oo gaadiid tareen iyo midda waddo ah oo ku xidha ilaa Diridhaba.Arrintaas Somalia si cad bay isku hor isaageen oo ciidan Hubkiina oo kale sita bay u direen oo horjoogsaday kuna doodaya annagoo oggolaano mooyaane la dhisi maayo.”

182a
Guddoomiye Biixi oo uu ku eedeeyey DFS inay carqabad ku tahay nolosha shacabka Somaliland iyo horumarka dalka waxana uu yiri, “ Markii hore Xamar waxa aynu isku haysanay anaa dantayda ka tashanaya, laakiin maanta waxa ay gaartay dhuuntaada waxa maraya ayaan qabanayaa oo ma oggoli inaad noolaato.”

Mashruuca Berbera Korridor ayaa isugu jira Ballaarinta Dekedda Berbera iyo hirgelinta waddo dherekeedu yahay 245Km oo isku xirtaa Berbera iyo Togwajaale. Mashruucan Waxaa Maalgelinaya Midowga reer Yurub.

Puntlandes.com

About The Author