Wasiir Odawaa oo sheegay in Todobaadka soo socda ay furmayaan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

29 Dec 2015 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha GudahaDFS Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa shaaca ka qaaday inuu shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe furmi doono todobaadka soo socda.

181b2

Wasiir Odawaa oo Saxaafadda kula hadlayay Jowhar ayaa sheegay inuu dib ka soo sheegayo maalinta uu furmayo.

Dhanka kale Wasiir Odoqaa ayaa sheegay in labada Gobol ay si deg deg ah u doortaan Madaxweyne, si 23ka Bisha Febraayo shirka ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga mid noqdo Madaxda ka qeyb galeysa shirkaas.

Puntlandes.com

Like it? Share it!

About The Author