Nicholas Key: Gobolka Mudug wax Hotel noqda waa ka wayn yahay Reer Mudug na dad Hotel ku noolaada waa ka facwayn yihiin
Gaalkacyo (Pes): Madaxweynaha DFS Xasan Culusoow iyo taageerayaashiisa ayaa soo bandhidigay 30 kii july 2014 wax loogu yeeray heshiis la rabo in lagu dhaco ama lagu xalaalaysto Gobolkii dhamaa ee Mudug. Nin baa waxaa laga soo wariyey ”war ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa”
Damaca Guracan ee Villa Xamar
Villa Xamar iyo taageerayaasheeda waxay is tuseen haddii la idinka faramaroojiyey Jubaland iyo Koonfur Galbeed mudug ku dhega oo ugu yaraan ku dooda in aad magac ahaan u isticmaashaan. Tusaale ahaan wax ka yar laba gobol ma noqon karaan Dowlad Goboleed sidaas daraadeed waa in afka laga yiraahdaa midnimada dhuleed iyo dadeed ee Puntland waxay ahaanayaan sideeda laakiin warqad kuma qorikarno arintaas oo waxaa soo baxaya in aysan Koonfurta Mudug iyo Galgaduud maamul noqon karin.
Haddiiboobku u hirgalo siday noqon?
Mudug maabkiisu wuxuu raacayaa Galgaduud oo waa laga jarayaa Puntland ileen wuxuu ka tirsanaan doonaa Galgaduud de. Haddii la raacsho Galgaduud wuxuu noqnayaa Gobolka Mudug qaybtiisa ugu badan ee Puntland ka arimiso Hotel! Sabab: Reer Muduga ku nool inta Puntland ka arimiso marna ma raacayaan Galgaduud waxay isu haysanayaan in ay ka tirsan yihiin Puntland, sidaas daraadeed waxay noqonayaa dad Hotel ku nool.ama Xero qaxooti.
Nicholas Key iyo Beesha Caalamka
Sida u qorshaysan Nicholas Key beri ayuu tegidoona caasimada Puntland ee Garowe. Sida uu ku sheegay waraysi uu siyey VOA halkan ka akhri ama ka dhageyso Puntland ma saamayn doona maamulka loo dhisayo Mudug iyo Galgaduud. Wuxuu carabka ku adkeeyey in uu quseeyo oo kaliya Koonfurta Mudug ee aysan Puntland ka talin. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ma uusan sheegin sida ay Dowlad ku noqon karaan Koonfurta Mudug iyo Galgaduud, maxaa yeelay datuurka wuxuu ogol yahay laba Gobol iyo wixii ka badan oo si iskood ah isku raaca.
Qorasha Nicholas Kay uu u imaanayo Garowe waa cad yahay
Qorshaha rasmiga ahi waa in uu taageeray maamulak Mudug iyo Galgaduud uuna UN iyo Beesha caalamkaba ka gaday in ilaa hada ay u hirgashay sadex Dowladood oo kumeelgaar ah oo kala ah sidatan:
1- 3 Gobol Jubaland,
2- 3 Gobol Koonfur Galbeed
3- 2 Gobol Gobolada Dhexe
Shaqo aah u fiican ayuu mr Nicholas Kay qabtay? Wuxuu Mr Nicholas Kay la imanayaa garowe waa uun maaweelo hana ka sugina in uu warqad lagu bayaamyey qadiyadan uu ka keeno Culusoow. Maxaa yeelay waa horuu aduunka ka gaday!!!!!!
Dowlada Puntland
Madaxweyne Dr Gaas waxa uu jantay kursiga aan wax qiimo ah lahayn maanta ee yaal Villa Xamar. Wax badan bayna jamashadaasi indho tirtay, laakiin waxaan aaminsanahay in hada godkiisa biyo ugu soo galeen. Waysigii ugu dambeeyey ee Gaas kaga hadlay qadiyadan waxuu aha amid uu aad uga duwanaa sidii hore ee uu u hadli jitay. Faahfaahin iyo waraysigii halkan riix.Hadaba Dr Gaas waxaa la gudboon in uu hurdada si fiican uga tooso dagaal adagna galo uu ku soo celinaya Gobolkii Mudug.
Reer Puntland iyo reer Mudug
War is taaga oo ha ogolaanina in Mudug xero qaxooti ama Hotel u noqoto dadkii lahaa. Soamlida ayaa waxay tiraahdaa ”biyo intaysan kuu iman baa la iska moosaa” Qadiyadan ma mudna in la sahlado, ee waxay mudan tahay in loo wado istaago.
Somalidaa waxay kaloo tiraahdaa ”Ri walba shilalkay is dhigtaa lagu qalaa”
Puntlandes.com