war Deg Deg ah: wasiiru Dawlihii wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland oo Gaalkacyo ku geeriyooday
Waxaa subaxnimadii hore ee saakay ku geeriyooday degmada gaalkacyo gaar ahaan isbitaalka Gmc ee Dr. dhagacade wasiiru dawlihii wasaarada caafimaadka dawlada Puntland Cabdullahi Cali jaamac geerida masuulka ayaa waxaa puntlandes.com u xaqiijiyay maaamulka isbitaalka Gmc ee Dr. Dhagacade
Allaha u naxariistee wasiiru dawle cabdullahi cali jaamac ayaa ahaa masuul firfircoon, hufan waxbadana kaqabtay wasaarada caafimaadka intuu joogay.
Wabaahinta madaxa banana ee Puntlandes.com waxay tacsi tiiraanyo leh udiraysaa dhamaan caruurtii, ehelkii, qaraabadii iyo dawladii Puntland ee uu masuulku ka geeriyooday waxana Allah uga baryaynaa in uu jannadii fardawso ahayd ka waraabsho.