Madaxweyne Gas oo ka Tacsiyeeyey Geerida Wasiirul Dawlaha Caafimaadka
03 Jan 2016 (Puntlandes) Waxaa magaalada Gaalkacyo saaka ku geeryooday AUN Wasiiru Dowlahii Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdullaahi Cali Jaamac, waxaa ku Geeryooday AUN Wasiiru Dowlahii Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdullaahi Cali Jaamac.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya magaca Golayaasha Dawladda Puntland ka tacsiyeeyey geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Wasiiru-dawlihii Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Col. Cabdulaahi Jaamac Cali oo ku geeriyoodey magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne Gaas ayaa isagoo kujira shirweynihii isla-xisaabtanka Hay’aha Dawladda waxaa uu Marxuumka Allah uga baryey in uu Jannada Fidowsa ka-waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.
Puntlandes.com