Dhagayso: Madaxwaynaha Bakool Sare oo hadlay maamulkiisa & Xildhibaanada DFS oo taageersan KGS ee Xudur Jooga

03 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxwaynaha Maamulka Bakool Sare Axmed Mashruuc ayaa ka hadalay Xaaladihii u dambeeyey ee Maamulka Bakool Sare iyo kan KGS, iyadoo magaalada Xudur ay ku sugan yihiin Xildhibaanada DFS ah oo Taageersan Maamulka Shariif Xasan ee KGS iyagoo  Ciidamada Ethiopia ka codsaday in la geeyo Ceelbarde, Aato iyo Yeed.

184a1

Madaxwynaha ayaa uga digay Xildhibaanada inaysan isku dayin inaay Ceelbarde iyo agaagaarkeeda yimaadaan, haddii ay isku dayaana ay wixii ka yimaada iyagu lahaanayaan.

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyey Xildhibaanada DFS ee Jooga Magaalada Xudur ee Ethiopianka ka codsaday in la geeyo Magaalada Ceelbarde, wuxuu sheegay hadii Ethiopia ay cid cid dul gaynayso anaga ayey Baydhabo na dul gaynayaan.

Dhagayso Madaxweyne Axmed Mashruuc


Puntlandes.com

About The Author