Maqaal: MAXAA SABABA DHIMASHADA HOOYADA (UMUL RAACA), SIDEESE LAGU XAKAMEEN KARAA?

Dalka soomaaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada ugu badan dhimashada hooyooyinka (maternal mortality), Sababaha ugu badan ee keena umulraaca ama dhimashada hooyada xiliga dhalmada waxaa ugu horeeya.

Goobaha caafimaadka oo yar sida (MCH), isbitaalada waxaa dhacda in hooyada ay dhiigbax udhimato sababo laxariira iyadoon helin adeeg caafimaad meesha ay joogto, oo ay kunoo shahay dhulka laamiga kabaxsan (Gaariwaa), is markaana udhimato xanuun inta aysan soo gaarin goob caafimaad, ama waxaa lagu arkaa dalkeena goobo caafimaad oo aan daawo iyo qalab kufilan oo daryeel oolin.

Xirfadlayaasha caafimaadka oo yar (insufficient medical personnel): dalkeena waxaa ku yar dadka bartay aqoonta caafimaadka qaybeheeda kala duwan sida Dhakhaatiirta, Kalkaaliyaasha, Shaybaariistayaasha iyo qaybta Caafimaadka Bulshada , waxaa dhacda in goobaha Caafimaadka ay dhisan yihiin oo qalabaysan yihiin isla markaasna aan lahelin xirfadlayaal caafimaad oo ka hawlgala gaar ahaan degmooyinka laamiga ka baxsan iyo magaalooyinka qaarkood , arintaas waxay sabab unoqotaa marka hooyada uurka leedahay ay san helin daryeel caafimaad oo tayo leh, marka ay  dhalaysana helin xirfadlayaal leh aqoon sare oo adeeg caafimaad ufidiya. Taas oo keeni karta inay udhimato umulraac.

Hooyooyinka soomaliyeed waxay doorbidaan inta badan inay guriga ku dhalaan: arintaas waxaa sabab u ah hooyada soomaliyeed oo isbitaalka inay kudhasho ka aaminsan fikir khaldan ,qaarkood waxay aamin sanyihiin in ilmaha laga xadayo ama ayada nafteeda dhibaato loo gaysanayo, saa daraadeed waxaa kadhalisa xiliga foosha qabato umiliso dhaqameed ( traditional midwife) , waxaa dhacda qalabka ay adeeg sanayso umiliso dhaqameedka inuusan nadiif ahayn oo ay sahlan tahay in hooyada infection qaado xanuunka uu sabab unoqdo dhimashada hooyada. Sidoo kale gudniinka fircooniga (female circumcision) oo sababa marmarka qaarkood dhalmada oo ku adkaata hooyada ama xanuunka foosha oo kubata. Sidoo kale nafaqa darada hooyada haysa xiliga uurka ama cuntada oo aan nafaqa ahaan udheeli tirnayn waxay sababtaa umulraaca.

 

SIDEE LOO YARAYN KARAA UMUL RAACA

Waa in la balaariyo goobaha caafimaadka , oo la gaarsiiyo adeega caafimaad degmo ilaa tuulo (Decentralization Of Health Services) , si looga helo goob kasta xarun caafimaad arintaas , waa inay dardar galiso wasaarada cimaadka iyadoo kashanaysa bulshada , arintaas waxay fududeenay saa, marka hooyada ubaa hato daryeel caafimaad xiliga uurka ama dhalmada inay aadi karto goob caafimaad oo udhaw oo aysan safar dheer ugalayn .

Waa in lataba baro xirfad layaal caafimaad oo kala duwan sida dhakhatiir, kalkaalisooyin iyo adeegayaal caafimaadka bulshada, sidoo kale latayeeyo umuliso dhaqameedka, lana abuuro goobo waxbarasho oo caafimaadka lagu barto iyo xarumo ugaar ah hooyada iyo dhalaanka (MCH). Waa in dagma kasta ama tuula kasta loo sameeyaa baabuurta gargaarka degdega ah( ambulance) , waa in loo dhamaystiraa dhamaan agabka ay ubaahan yihiin, sida daawooyinka aasaasigaa ,talaalka, iwm.

Waa in lagu dhiiri galiyo hooyada inay isbitaal ku dhasho, iyadoo lasamay nayo wacyi galin caafimaad, simimnaaro lagu baraa rujinayo. Loogana hortagayo inay kudhasho guriga .sidoo kale waa in hooyada ay hesho nafaqo kufilan xiliga uurka iyo marka ay nuujinayso ilmaha si caafimaadka hooyada uu wanaag saanaado.sidoo kale nadaafada hoyga ay dagantahay hooyada waa inay saraysaa, biyaha ay cabayso ama isticmaalayso waa in nadaafadoodu sarayso arintaas waxay yaray naysaa cudurada laga qaado nadaafad darada.

Gabagabo: dhimashada hooyada (umulraaca) badanaa wuxuu kudhacaa dumarka iyagoo aad uyar yar uurka qaada ama iyagoo aad uwaa wayn uurka qaada isla markaasna aan helin daryeel caafimaad iyo nafaqo dheeli Tiran.

184a2

Qore: Dr: Abdifatah jama sugulle abaar

Master of public Health at Kampala University  

Email: cuyuun44@gmail.com

 

About The Author