Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo loo doortay Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa
03 Jan 2016 (Puntlandes) Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa lagu doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Shariif Xasan gar wadeenka ka yahay.
Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS waxaa ku tartamayay Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa iyo Cismaan Cali Xasan , waxaana xarunta doorashada ka dhaceysa ku sugnaa Masuuliyiin katirsan Maamulka KGS.
Wareegii koowaad ee Doorashada ayaa waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed loogu doortay Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa oo helay codad gaaraya 109-cod halka musharaxa kale Cismaan Cali Xasan uu isna helay codad gaaraya 33-cod.
Waxaa xusid mudan in safdex Degmo o oka tirsan Gobolka Bakool ay samaysteen maamul ka madax banaan kan KGS ee uu hogaamiyo Shariif Xasan, iyagoo la baxay Maamulka Bakool Sare.
Puntlandes.com