Daawo Sawirada: Cutubkii ugu horeeyay ee ciidamada Itoobiya oo maanta ka dagay Kismaayo
03 Jan 2016 (Puntlandes) Cutubkii ugu horeeyey ee Ciidamada Itoobiya ayaa maanta kasoo degay Garoonka diyaaradaha magaalda Kismaanyo. Cidamadan oo aan tiradooda aan la shaacin ayaa ayaa waxaa kusoo dhaweeyey magaalda Kismaanyo qaar kamid ah musuliyiinta Dowlada Jubaland oo ugu horeeyo Madxweyane ku xigeenka Jubaland mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Farataag iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Maxamed Faarax Darwiisha, Wasiirka arimaah bulshada dowladda Jubaland Macalin Max’ed Ibraahim Max’uudGudoomiyaha gobolka Jubada Hoose mudane Cabdi Rashiid Cabdulaahi Gooni cuqaal ,salaadiinta Dowlada Jubaland,taliyaha SNA Jubaland iyo saraakiisha ciidamada Jubaland ayaa kamid ahaa dadkii ka qeybqaadanayay soo dhaweynta ciidamadan katirsan AMISOM ee soo gaaray Kismaayo.
Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee dowladda Jubaland C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ciidamada ka tirsan AMISOM ee Kismaayo soo gaaray.