Sawiro: Madaxweyne Gaas oo qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wufuud ay kala hoggaaminayaan RW hore ee Soomaaliya
04 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 04-Jan-16 qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Labo wafdi oo ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geeddi iyo Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr.Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.
Labadan wafdi oo marti-qaad rasmi ah oo ku saabsan ka-qaybgalka munaasabadda furitaanka Garoonka Caalamiha ah ee diyaaradaha ee Boosaaso oo qabsoomi doonta 08-Jan-2016 ayaa kasoo kala kicitimay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa soo dhoweyn kagadaal ku ammaanay imaatinkooda Puntland isagoona ku tilmaamay in ay yihiin shaqsiyaad ay soomaalinimadu kuweyntahay islamarkaasna ahaa muddooyinkii ay xilalka hayeena kuwo wax wanaagsan ka qabtay dalka soomaaliya.
Prof Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul-wasaarihii hore ee Dawladdii Kumeel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya iyo Dr. Cabdweli Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisul wasaarihii hore Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaga oo ku hadlaya magacyada wafdiyada ay kala hoggaaminayaan waxa ay uga mahadceliyeen soodhoweynta qiimaha leh ee ay Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo dawladdiisu u sameeyeen waxaana ay intaa raaciyeen in ay Puntland kuyimaadeen kadib markii ay martiqaad rasmi ah kaheleen Madaxweynaha Dawladda Puntland kaas oo ku saabsanaa furitaan Garoonka diyaarada ee Boosaaso.
Garoonka diyaaradaha ee boosaaso ayaa lafuri doonaa 8-Jan-2016 iyadoo ay kasoo qayb geli doonaan wufuud ka kala imaan doonaa gudaha soomaaliyaa iyo caalamkaba kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin iyo maalgashadayaal.
Munaasabada Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxaa barbar socon doonta munaasabadda sannad guuradii 2aad ee Dawladda Puntland ee uu hoggaaminayo Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.