Aadan Saransoor oo IGAD ku eedeeyey inaysan dhex dhexaad ka ahayn waxa ka socda Ceelbarde
04 Jan 2016 (Puntlandes) Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii DFS ee taageersanaa maamulka KGS ee dhowaan gaaray degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa ku eedeeyay Urur Goboleedka IGAD in aysan dhex dhexaad ka aheyn waxa ka taagan Ceelbarde, isagoo tilmaamay in qaarkood ay mas’uul ka yihiin dhismaha Maamulka Bakool Sare.
Warar ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in Xildhibaanada ku sugnaa Xudur loo diiday inay tagaan Ceelbarde, iyagoo doonayey in ciidamada dawladda itoobiya u Galbiyaan dhabka Ceelberde laakiin ay diideen ciidankaasi.