Waa maxay Qorshe hawleed? Maxay tahay sababta uu u fuliwaayo?

Labdaan su´aalood, waxay igu dhasheen, kadib markaan arkay laba goor ama labo sano oo ay Xukuumadda Puntland Soobandhigtay, wax ay iyagu ugu yeereen isla xisaabtanka xukuumadda, waxqabadkii sanadkii tegey iyo qorsheyaasha sanadka danbe.

Waxaa ii caddaatay in ay wasaaraduhu mareen hal waddo, labo sano oo isku xigta. Taas oo  marka si guud loo cabiro, noqotay Qorsheyaashii sanadkii tegey waxba kama fulin, laakiin waxaa soo socota guulo ballaaran sanadka danbe.

Haddaba inta aynaan u gelin ka jawaabidda su´aalaha cinwaanka waxaan marka hore rabaa in aan wax ka tilmaano, waxyaabiihii madasha lagusoo bandhigay.

Waxaa dhagahayga kusoo noqnoqotay, erayada ah qorshehaas wuxuu u fuliwaayey lacag la´aan, qorshehaas waxaa ka fuley 10%, 15% 25%, waxaa soo baxday caqabado keenay in uu qorshehawleedkii fuliwaayo, sida abaaro, fatahaado, iyo colaado iwm.

Dhinaca kale waxaa la tilmaamay waxyaalo lagu tilmaamay waxqabad. Kuwaas oo aan ka tilmaamikarno in wasaarad loo sameeyey Website, in Waddo 1200M ah loo sameeyey madaxtooyada. Middaas oo ay sheegteen laba wasaaradood oo kala ah Hawlaha Guud/Gaadiidka iyo Maaliyadu. Erayadoodii waxaa ka mid ahaa in lagu dhisay waddadaas hadalkii madaxweynaha ee ahaa Puntland ha Iskutashato Middaas oo ay ku faaneen in ay, waa siday hadalka u dhigeene ay iyagu jeebkooda ka bixiyeen oo aanay wax caawino ah ka helin meel kale.

Waxaa kale oo erayada aadka loo isticmaalay ka mid ahaa, in la qabtay wax ka badan ama siyaado ku ah wixii uu qorshahoodu ahaa!! (fiiro gaar ah! Ogow in aan kor kusoo sheegnay, in qorshayaashii degsanaa aan qaarkood la qaban gabi ahaantiis, kuwo kalena  ugu badnaan la qabtay celcelis 25% iyo wax la mid ah).

Marka laga tago waxa lasoo bandhigay, waxaa yaabkeeda lahayd. In wasaaradaha Qoorkood meesha ka sheegeen. Codsiyo ay u gudbiyeen madaxweynaha. Wasaarada Beeruhu waxay meesha ka sheegtay in ay madaxweynaha ka codsadeen in 12 shaqaale ah loo qoro, middaas oo uu aqbalay.  Hay´adda waddooyinkuna waxay meesha ka sheegeen in ay madaxweynaha u gudbiyeen codsi ah in loo kordhiyo lacagta miisaaniyad ahaan ay u helaan oo uu kusheegay 1,2M$ welina ay jawaabteeda isaga ka sugayaan. Waxaa dheerayd in su´aal la weydiiyey wasiir uu ku jawaabey in madaxweynuhu uga dhuun daloolo arrinkaas oo uusan isagu waxba kala socon.

Waamaxay qorshe?

Filimaayo in gole wasiir iyo agaasimeyaashood gaaraya ama ka badan 75 qof iyo madaxweyne PhD ah ay garanwaayeen micnaha Qorshe balse si kale ay wax u khaldanyihiin. Hase ahaatee aan qeexno.

Qorshe wuxuu afka English:ka ku noqonayaa Plan. Plan waxaa lagu fasiray sidatan.

Written account of intended future course of action (scheme) aimed at achieving specific goal(s) or objective(s) within a specific timeframe. It explains in detail what needs to be done, when, how, and by whom, and often includes best case, expected case, and worst case scenarios.

Waxay ku qorantahay Qaamuusyada oo dhan iyo waliba  business Dictionary.com.

Waa  in uu jiraa jedwel qoran oo ulajeedkiisu yahay in la gaaro Yool cayiman ama ulajeedooyin cayiman, middaas oo lagu gaarayo waqti cayiman. Waxay si qodobaysan u qeexaysaa, shaqada ay tahay in la qabto, goorta, sida iyo cidda qabanaysa, waxaa laga fekeraa dhacdada ugu haboon, waxa la fili karo iyo Caqabadaha imaan kara.

Waxaynu hoosta ka xariiqanay erayga Yool.

Hadii aan Yool jirin, qorshe ma jiri karo. Oo waa isku xiranyihiin. Waxaa loo baahnaandoonaa in ay jirto aqoon ah, waxa uu yahay Yool.

Waxaa lagu qeexay sidatan.

An observable and measurable end result having one or more objectives to be achieved within a more or less fixed timeframe.

Waa in uu muuqdaa/ la arkikaro oo la cabirikaro natiijada kama danbaysta ah kaas oo leh hal ulajeedo ama ulajeedooyin badan oo ay tahay in lagu gaaro waqti cayiman. Muhiimadu Waa in uu Yoolku yahay mid fulikara.

Hadduusan fuliKarin muxuu noqon?

Hadii uusan yoolku fulikarin wuxuu noqon RIYO.

Hadaba Waa meeshaan meesha hawshu ka wareersantahay.

Waxaad mooddaa in Xukuumada Professor Gaas ay ku urursantahay Riyo. Taas oo la rabo in shacabka la tuso humaag qurux badan oo mar walba kaa horreeya. Taas oo markasta abuuraysa rajo cusub (Sanadka Soo socda baan barwaaqo gaarin).

Haddaba Maxay Riyo uga duwantahay Yool?

Dreams are about the destination, not the journey.

Riyadu kama hadasho sida lagu tegayo meel loo socdo, ee waxay kaliya oo ifisaa meesha la aadayo. Waa farqiga u dhexeeya Wadnaha iyo Maskaxda. Wadnuhu wuxuu cabiraa waxa uu jecelyahay, halka maskaxdu ka fekerto siday suurtogal ku tahay in waxa la jecelyahay uu u rumoobikaro iyo in ay riyo been ah tahay.

Yoolku wuxuu fahansanyahay oo ka jawaabayaa,halka la hiigsanayo, ulajeedka loo hiigsanayo iyo natiijada laga rabo,  laakiin riyadu hiigsi iyo ulajeedo maleh, ee waxaa u muuqata natiijo wanaagsan oo mar hore la gaaray.

Yoolku wuxuu u baahanyahay, Nidaam (system), Hab (Process) iyo Qaab dhismeed ( structures ) Laakiin Riyadu waa booddaa waxay ka booddaa wax kasta oo macquul ah, waxayna si fudud ugu degtaa meeshii quruxda badnayd oo hummaag ah, calashaan ma taaban kartid, ma cabiri kartid.

Waa waxa keenay, in aysan fulin, waxay qorsha ugu yeereen Xukuumaddu, illeen wuxuba ma ahayn maxaa caqli ah, iyadoo lagu xisaabtamayo awooda iyo dhaqaalaha Puntland, lagu xisaabtamayo caqabadaha iman kara. Waa tan keentay in miisaaniyaddii 2014 iyo 2015 labadaba dib loogu noqdo oo laga saaro 70% layiri waxay ka imaanaysaa Bankiga aduunka oo aan la helin. Waa tan keentay in waddo 1200M ah lagu faano in ay ayagu isku tashadeen. Waa tan keenta in la yiraahdo qorshahaasi wuxuu u fuliwaayey lacag la´aan iwm.  Anigu waxaan leeyahay, SAAXIIBAYAAL KUSOO DHAWAADA XAQIIQDA OO KA KACA HURDADA, RIYADAANI WAA NA WAREERISAYE. IDINKUNA KU CEEBOWDE.

177c3

WQ: Maxamed Saliid

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author