Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo Bosaso gaaray isagoo kamida Isimada ka qayb galaya Furitaanka Garoonka Bosaso
07 Jan 2016 (Puntlandes) Waxaa Caawa fiidkii Bosaso gaaray Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo maida Isimada Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug. Amiirka ayaa kamida Isimada ka qayb galaya Xaflada Furitaanka Garoonka cusub ee Diyaarada Bosaso oo lagu wado in maamilka berri ah haddii Allah idmo xariga laga jaro.
Bosaso ayaa waxa shalay soo gaaray wafdi culus oo uu wafdi uu Hogaaminayo Rafle Faarx Fardheere oo ka mida Odoyaasha ugu tunka wayn Gobolka Mudug iyagoo u yimd ka qayb galka Xaflada Furitaanka Garoonka cusub ee Diyaarada Bosaso oo ah mid Caalami ah oo aan iminka ku oolin Soomaaliya.
Sawirka kore: Wasiirka Cadaalada Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac midix. Rafle Faarax Faradheere dhexda (Bosaso Int. Airport 07 jan 2016)
Puntlandes.com