Soomaaliya Maxay Sucuudiga kaga beddalatey xiriirka ay IRAN u jareen?
Maqaalkan waxaan ku eegaynaa kaalinta Dowlada Sucuudiga ku leedahay siyaasada xiligan ee Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo waliba ummada Soomaaliyeed wixii ay kala kulmeen Boqortooyadaasi Carbeed ee gacanta ku heysa dhulka Barakeysan ee Islaamka.
Dalka Soomaaliya ayaa kamid noqday todobaadkan wadamada Carabeed ama Islaamka ee taageerada diblumaasiyadeed u fidiyey Boqortooyada Sucuudiga oo xiligan dagaal xoogleh iyo loolan siyaasadeed kula jira wadanka Iran & shiicada ka talisa oo dhankooda awooda kusii yeelaneya dalalka Bariga Dhexe.
Loolanka u dhaxeeya Sucuudiga iyo Iran maaha kaliya mid u dhaxeeya dhanka mad-habta diinta Islaamka ee Sunni iyo Shiico balse waa sidoo kale loolan xoogleh oo ah dhanka dhaqaalaha, militariga iyo Siyaasada Bariga Dhexe.
Marka laga yimaado khilaafka Sunnida iyo Shiicada, dhamaan Boqortooyooyinka Carabta ayaa ka walaacsan in mustaqbalka xukunkooda uu ku yimaado kacdoon shacab oo xilka ka tuura, arrintaasi oo ay Iran lafteedu dooneyso inay ka faa’iideysato iyadoo adeegsaneysa Shiicada laga tiro badan yahay ee ku nool dalalkaasi iyo waliba shacabka kale ee diidan Boqortooyooyinka Carbeed.
Boqortooyada Sucuudiga waxay xiriir fog la leedahay dowlada Maraykanka oo uu ka dhaxeeyo heshiiska Batroolka iyo Dollarka oo ah mid uu si weyn ugu tiirsan yahay dhaqaalaha Maraykanka iyo awooda lacagtooda adag ee Dollarka, halka Sacuudiga uu dhanka Maraykanka ka helo taageero militari iyo Siyaasadeed, waana midda keentay in ururada Islaamiga ah ay Boqortooyada Sucuudiga ku eedeeyaan in dowladaasi noqotay mid ku hoos nool Siyaasadda Arrimaha Dibada ee Maraykanka.
Dagaalka Siyaasadeed ee Bariga Dhexe waa mid wajiyo badan leh oo aan lasoo koobi karin, waxaana la isweydiinayaa kaalinta Soomaaliya ay ku yeelan karto dagaalka Bariga Dhexe, xili waddanka Soomaaliya uu yahay mid burbursan oo tabar yar?
SOMALIYA IYO IRAN
Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay todobaadkan in ay xiriirkii u jartay dowlada Iran isla markaana muddo sadex maalmood ah u qabatay diblumaasiyiinta Iraan ee jooga Muqdisho inay halkaasi ka baxaan.
Inkastoo uusan jirin dagaal dhexmaray ama cadaawad gaar ah oo ka dhaxeysa Shacabka Iran iyo kuwa Soomaaliya, ayaa hadDana dowlada Soomaaliya dooneysaa in tallaabadan ay ku muujiso sida ay garabka u siineyso Boqortooyada Sucuudiga oo iyagu xiligan doonaya inay isu muujiyaan hoggaanka Sunnida ee Caalamka.
Balse tallaabadan ay xukuumada Soomaaliya qaaday ayaaba ka dheeraysay dalalkii kale ee Carabta oo weliba dalkeeda ka cayrisay diblumaasiyiintii faro-ku tiriska ahaa ee Muqdisho ka joogay Iran, tilaabadaasi oo la oron karo waa midda ugu danbeysa ee dagaal diblumaasiyadeed oo dhexmari karta labo wadan.
Tallaabadan mid lamid ah waxaa qaaday wadamada Sudan, Masar, Imaaraadka, Kuwait iyo Baxrayn. Dhamaan dalalkan ayaa mid waliba dan ka leeyahay arrinta ay ku taageerayaan Sucuudiga.
Tusaale:
Dalka Masar wuxuu ugu yaraan 3 Bilyan oo dollar ka helay Sacuudiga si loogu taageero militarigooda,
Dalka Sudan sidoo kale wuxuu ka helay maalgelin dhaqaale Sucuudiga dhanka Ciidanka, Beeraha, Biyo Xireeno iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.
Baxreyn waxay ku tiirsan tahay Ciidamada Sacuudiga si ay Qoyska Boqortooyada dalkaasi isaga illaaliyaan Shiicada oo ah shacabka ugu badan dalkaasi
Kuwait ayaan ka maarmin awooda militari ee Sucuudiga ahna dalkii kaalinta weyn ka geystay dagaalkii Ciraaq ee Saddam Xussen looga saaray dalkaasi, kadib markii Sacuudiga uu adeegsaday saaxiibadiis Maraykanka.
Waxaa iyaguna jira dalalka kale oo Islaam ah sida Turkiga iyo Qatar oo iyagu ugu baaqay Iran inaysan faraha la gelin arrimaha hoose ee wadanka Sucuudiga, balse iyagu xiriirkii Diblumaasiyadeed gebi ahaan umma wada jarin, waxaa iyaguna jira wadamo kale oo badan oo kamid ah Jaamacada Carabta oo ka aamusan xiisadan cusub.
SATELLITE-STATE
Hadaba Soomaaliya oo u dhaqmeysa Qaabka waddanka hoos taga dal kale (Sucuudiga) ayaaba ka guux dheeraysay dalalkii kale ee Sacuudiga sida tooska ah ama sida dadban ugu tiirsan, Soomaaliya ayaa waxayba ugu sii dartay dowlada Iran in diblumaasiyiinteeda ka cayriso magaalada Muqdisho oo xiligan ku sugan yihiin safaarado faro ku tiris ah.
Waxaa la isweydiinayaa dadaalkan dheeraadka ee dowlada Soomaaliya ku garabsiisay Sucuudiga waxa waddanka Soomaaliya uu ka helay dalka Sucuudiga?
Waddamada Caalamka ee madaxa banaan ayaa lagu yaqaan hadii ay is xulufeysanayaan inay wax is-dhaafsadaan (Scratch my back I’ll scratch yours / Quid pro quo Policy)
Illaa iyo hada ma jirto Maalgelin ama Gurmad baaxadleh oo uu dalka Sucuudiga ku taageeray Soomaalida intii ay ku jirtay dagaalka Sokeeye, macaluusha iyo masiibooyinka kala duwanaa ee wadankan soo maray 25kii sano ee lasoo dhaafay.
Waxaa taas usii dheer dalka Sucuudiga wuxuu kamid ahaa wadamadii Carabta ee sida xun ee naxariis darada ah ulla dhaqmay Qaxootiga Soomaalida isla markaana weli tarxiilaya Soomaali badan.
Tacadigii ugu danbeeyey
27kii Oktoober ee sanadkii tagay 2015, Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa safar ku tagay dalka Sucuudiga, intuu hawada kusii jiray ayaa Airporka Muqdisho laga soo dajiyey 150 Soomaali laga soo tarxiilay dalka Sucuudiga, waa maalintii hogaamiyaha Soomaaliya u dhoofay Riyaad, tani oo loo arkay bahdilaad ama waxay ahayd ugu yaraan tilaabo wakhti khaldan lagu soo beegay.
Nasiib-Xumo Madaxweynaha Soomaaliya kamuusan hadlin tarxiilka Soomaalida lagu hayo intuu la kulmayey Boqorka Sucuudiga.
Waxaana la rumeysan in xiligaasi Madaxweynaha Soomaaliya heshiis hoose Boqortooyada Sucuudiga kuwada gaareen in haween Soomaaliyeed shaqaalo ahaan loo geeyo dalka Sucuudiga, kadib markii dalalkii kale diideen in shaqaalahooda u diraan Sucuudiga oo ku caan baxay gabood-falada ka dhanka ah haweenka ajaanibta ah ee dalkaasi ka shaqeeya, arrintan oo siyaabo kala duwan looga hadlay oo ah mawduuc kale oo u baahan falanqeyn dheer.
Maba xuma hadii Sucuudiga la taageerayo balse ugu yaraan waxay ahayd Dowlada Soomaaliya in ay taageeradeeda ku weydaarsato taageero ka timaada Sucuudiga oo la taaban karo, balse waxa hadda muuqata in Sucuudiga uu bixiyey oo kaliya lacago dhowr malyan ah oo uu sooryo ahaan usiiyey Madaxweynaha iyo Xulafadiisa oo isu diyaarinaya orodka Doorashada 2016.
Soomaaliya & Saddam Xussen
Xiligii Abaartii Dabo-dheer oo si weyn looga dareemay dalka Soomaaliya macaluul xoogan, ayaa dowladii Saddam Xussen ee Ciraaq oo xiriir fiican lalahayd Soomaaliya ugu deeqday Raashin badan oo ay ku jirto TIMIR.
Markabkii Timirtaasi siday oo kasoo dajiyey Dekadda magaalada Berbera, ayaa xiligii laga dajinayey, shaqaalaha dekadda waxay ku heesi jiraan (Ciraaq Keentay ee Yaa Cayrta Siin). Heestaasi oo markii danbe dowladii Kacaanka mamnuucday inay afkooda soo marsiiyaan xamaaliga dekkada Berbera ka shaqeenayey.
Heestaasi xamaaligu qaadi jireen ayaa ahayd micnaha ku jirtay in Dowlada ay musuq-maasuqu doonto taageerada yar ee ka timid Ciraaq, waxaana tusaalahan usoo qaadanay xoogaaga yar ee DOwladda uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Shiikh Maxamuud sooryo ahaanta loosiiyo inay mari doonto meeshii ay martay “Timirtii Saddam Xussen”.
Malaga yaabaa in Sucuudiga Soomaaliya uu u maalgeliyo sida Itoobiya oo uu geeyey 69 Shirkadood iyo lacag ka badan 369 million dollar sanadkii?
Malaga yaabaa in Sucuudiga uu ciidamo Soomaaliya Balayiin Dollar Siiyo sida Masar iyo Sudan?
Mase laga yaabaa inuu Sucuudiga xoogaa tixgelin iyo qadarin siiyo Soomaalida masaakiinta ah ee dhulkiisa nabada iyo shaqada u doontay?
Jawaabta hadii ay MAYA tahay, waxaa loo qaatay dowlada Federaalka inay raacdo siyaasada Boqortooyada Cumaan oo ah dal Carbeed oo go’aan ku qaatay inuusan dhex gelin wadamada Waaweyn ee Bariga Dhexe ee xurgufta ka dhaxeyso, isagoo dalka Cumaan siyaasadiisa noqotay dhismaha dalkiisa iyo inuusan cidna cadow ka dhigan.
Haddii Jawaabta HAA tahay, kolay waxaan ka sugeynaa Dowladda Xassan Shiikh Maxamuud inay Xoogaaga Sucuudiga ku deeqay bal Cayrta iyo masaakiinta Soomaalida la gaariisyo.
Xigasho: Horseed Media