Madaxweyne Xasan oo ka meer meeraya inuu tago Shirka Kismayo & Beesha Caalamka oo ku Cadaadinaya inuu tago

11 Jan 2016 (Puntlandes) Wararka ay Warbaahinta Puntlandes ka helayno ilo xog ogaal ah ayaa ku waramaya in shirkii madasha wada tashiga qaranka ee lagu waday in maanta uu ka furmo Kismaayo dib u dhacay kadib markii madaxweyne Xasan Sheekhs soo xaadiri waayey Madasha Shirka.

178

Madaxweyne Xasan iyo Jawaari ayaan ilaa iminka iman magaalada Kismaanyo oo la filayay inay yimaadaan, iyagoo ka meer meeraya inay yimaadaan.

Wararka ayaa sheegaya inay berri imaan doonaan Madaxweyne Xasan iyo Jawaari, taasoo aan ahayn mid la hubo.

Dhanka kale dhamaan madaxdii kale ayaa xaadir ku ahayn goobta shirka ee Kistan ilaa shalay iyyagoo sugaya madaxweyne Xasan iyo Jawaari

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author