Puntland ma in ay kaligeed ilaalisaa midnimada ummadda Soomaaliyeed?
Aasaaskii Puntland Waxaa laga joogaa 17 sano. Waxaa Dadka reer Puntland garteen in 8 sannadood ka dib, aysan weli muuqan, rabitaan ku saabsan helid dawlad soomaaliyeed. Taas oo ay isku koobeen jabhadihii ka jirey koonfurta soomaaliya.
Dhismihii Puntland kadib, waxaa weli reer puntland ka go´nayd helid, dawlad soomaaliyeed. Taas baana keentay in lagu caddeeyo Axdigii ay samaysteen xilligaas, oo dhigayey sida tan.
QODOBKA 2AAD, MAGACA IYO NIDAAMKA DAWLADDA
1. 1. Magaca Dawladdu waa Dawlad-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
2. 4. Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya xil ayaana ka saaran baadigoobka iyo dhawridda dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habk Federaaliga ah.
Waxay arrinta soomaaliya Jiitantaba, Puntland waxay samaysatay Dastuur, si fiican looga baaraandegey, kaas oo wax ka bedeley aragtidii ay reer Puntland ka qabeen, helid dawlad soomaaliyeed oo hab Federaal ah ku timaada. Waxaa la xaqiiqsaday, in rabitaan hal dhinac oo keliya ka socdaa, uusan keenayn dawlad soomaaliyeed. Taasi waxay keentay in Dastuurkii 18 April, 2012, La ansixiyey lagu qeexo sidatan.
Qodobka 1aad MAGACA IYO HIMILADA
1. Magaca Dawladdu waa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.
Qodobka 4aad HANNAANKA XUKUNKA
1. Dawladda Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, xil ayaana ka saaran hirgelinta Dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah.
2. Awoodaha Dawladda Puntland ay ku wareejin doonto Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo xuquuqaha ay yeelanayso Puntland, waxa ay ku imaanayaan wada xaajood iyo heshiis dhexmara Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland, taas oo lagu qeexi doono Dastuurka Federaalka iyo kan Dawladda Puntland.
3. Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay ka dibna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.
4. Dawladda Puntland waxaa u bannaanaanaysa in ay dib u eegto arrimaha ku xusan faqradaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee isla qodobkan, haddii:
b. Soomaalidu ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hooseyn nidaamka Federaaliga ah.
t. Ay daba dheeraadaan daganaansho la’aanta iyo dagaallada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya.
Dhacdooyinkii dhacay lagasoo bilaabo Ansixintii Dastuurka
Tan iyo intii ay Puntland Ansixisay Dastuurkeeda, waxaa jirey iskudayo badan oo lagu baadi goobayey in la helo Dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan hab heshiis lagu yahay.
Waxay dawladda Xamar jebisey heshiisyo badan oo ay la gashay Dawladda Puntland. Taas oo ay saxiixeen Ra´iisulwasaareyaal qaarkood loo bedeley heshiiska awgiis. Heshiisyadaas oo dhami ma fulin, rabitaan la´aan ka jirey dhinaca Xamar awgeed.
Waxaa intaas dheeraa in Dastuurkii soomaaliya ee lagu heshiiyey, si ulakac ah loo bedeley, si loogu fushado dano shakhsiyadeed.
Waxaa dheer in gudiyo ay ahayd in ay si wadajir ah u magacaabaan Dawladda federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah, si gooni ah Xamar isaga magacaabatay. Waxay muu jinaysaa in Dawladda Xamar diidantahay habka Federaalka ah. Gudiyadaas Puntland waa diidey, laakiin hadana, waxay ku raacday wax kasta oo kasoo baxay Xamar. Sida Xeerar markii hore la diidey balsa aan aragnay iyagoo ka fuley ama ka shaqyanaya Puntland.
Arrini si kasta ha ahaatee, waxay dawladda Xamar ku fashilantay in ay fuliso wixii loo igmaday, sida qabasho doorasho baahsan, qof iyo cod ah.
Hadeer oo la joogana waxaa laga cagajiidayaa in qaabka doorashadu noqoto hab deegaan. Iyadoo heshiisyadii Garoowe 1 iyo 2 iyo Dastuurka federaalku diideen wax kale.
Xukuumadda Puntland.
Xukuumadda Puntland, laftirkeedu dab yar shidi mayso marka la eego ku dhaqan la´aanta dastuurka.
Waa midda koowaade, ma raacin waxa uu dastuurku dhigayo, mar haddii koonfurta laga waayey heshiis ku saabsan wada lahaansho dawlad soomaaliyeed. Iyo daba dheeraanshaha xal u helid arrimaha taagan. Taas oo dastuurkeenu caddaynayo waxa ay tahay in la qaato.
Waa midda labaade waxaa soo noqnoqotay in xukuumaddeenu si aan gabbasho lahayn u isticaamsho, magacii Axdigii kumeelgaarka ahaa sida Dowlad- Goboleedka Puntland.
Iyadoo aad moodo, in aysan arrini ahayn magac oo keliyahe, xataa ay fulinayso, wixii ku qornaa Axdigaas. Taas, waxaa u deliil ah, marka lagasoo tago qodobada kore, in Madaxweynuhu khudbadiisii 1 August 2015 uu ku sheegay, in ay Puntland shuruud la´aan waligeed raadinayso Dawlad soomaaliya! Isagoo sii adkaynaya buu wuxuu yiri, xataa haddii lawaayo cid nala rabta, Puntland kaligeed baa noqonaysa Soomaaliya!!.
Haddaan si kale u fasirno arrinkaan, wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa dastuurka Puntland. Marka arrini ma aha oo keliya, fulin la´aan dastuurka Puntland, marka ay dhaceen sababahii la cuskadey si ay Puntland aayaheeda uga tashato, laakiin waxaad moodaa in inta dastuurka meel la iska dhigay dib boorka looga jaftay Axdigii kumeelgaarka ahaa.
Dastuurka
Waxaynu inta badan ka maqalaa Madaxweynaha Puntland in uu dastuurku yahay heshiis bulsho. Fulin la´aanteeduna uu keeni karo, kala tag iyo in uu qofwalibaa wuxuu doono sameeyo.
Dabcan, marka uu saas leeyahay, ulama jeedo Dastuurka Puntland iyo hab dhaqanka xukuumaddiisa, ee arrintu waxay ku wajahantahay xukuumadda Xamar.
Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “Maroodigu Takarta saaran ma arkee tan midka kale saaran buu arkaa”
Maxaa keena Fulin la´aanta heshiiska bulsho?
Barack Obama, baa isagoo u khudbaynaya AU yiri, waxaan madax badan oo afrikaan ah weydiiyey, sababta ay xukunka isugu dhejiyaan, wuxuu yiri waxaa la yaab igu noqotay in ay u qabaan in aysan jirin, iyaga mooyee cidkale oo waddanka hagi karta. Waxay ku oran buu yiri, haddaan meesha ka tago waddanku wuu dumin.
Marka haddaan u soo noqono qormada. Madaxda soomaalidu waxay afrikaanka kale, kala mid yihiin arrinkaas.
Waxay dhamaantood u qabaan in Dastuurku khalad yahay marka sababtaas awgeed aan la raaci Karin. Waxay u qabaan in wixii sameeyey, ka dooday, ansixiyey aysan ahayn dad si quman u fekerey, ama leh aqoon iyo caqli ku filan. Waxay taasi dhalisaa in meel la isaga tuuro, iyadoo loohaysto in ummaddi ansixisay ama bulshada dhamaanteed isku raacday wax wareersan.
Qaarkood iyagoo aan awelba raacayn, bay si ay ugu dhigaan sida ay iyaga shakhsiyan wax ula muuqdaan, ayay inta tirtiraan ku qoraan waxa ay iyagu doonayaan.
Qormada cinwaankeeda iyo ula jeedka hadaynu usoo noqono. Dastuurkeenu wuxuu ku xiray shuruudo. Middaasoo khasbaysa in ay tahay in soomaalidu wada fuliso ilaalinta midnimada ummadda soomaaliyeed. Haday shuruudahaasi fuliwaayeen, waxaa waajib ka saaranyahay madaxda Puntland u hogaansamida HESHIISKAAN BULSHO waxa uu bannaynayo.
Waxaa waajib, ka saaran yahay in haddi isku daygaan Kismaanyo miro dhal noqon waayo ay si buuxda u qaataan oo ugu dhaqmaan Dastuurka Puntland.
Haday fulin waayaan waxaa ummadda dhigatay heshiiskaas ee Puntland, looga baahanyahay ilaalintiisa iyo in ay doortaan cid ku dhaqaysa rabitaankooda. Waa lasoo dhaafay wakhtigii uu Puntland kaligeed xilku ka saaraa ilaalin midnimo soomaaliyeey.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com