Daawo Sawiro: Amiir Maxamuud oo la kulmay Boqor Burhaan
11 Jan 2016 (Puntlandes) Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo ka mida Isimada Puntland ugu tunka wayn isla markaasna ah Gudoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug ayaa maanta kula kulmay magaalada Bosaso Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Boqorka iyo Amiirka ayaa waxa ka wada hadleen guud ahaan Xaalada ay hada Soomaaliya ku sugan tahay iyo gaar ahaan Puntland, iyagoo Isimadu si qoto dheer uga hadlay midaynta iyo isku xirka ummadda Puntland.
Boqorka iyo Amiirka ayaa isku afgartay inay kulamada caynkan ah ay joogteeyaan si ay uga shaqeeya Horumarka iyo isku Xirka ummadda reer Puntland, iyagoo ku balamay inay kulan kale si dhakhso ah isugu yimaadaan mar kale.
Amiir Maxamuud ayaa ah Isin u taagaan habeen iyo maalin isku xirka iyo Horumarinta Puntland, isagoo hore uga soo shaqeeyey Qayb lixaad lehna ka qaatay Mashruuca Horumarinta Bursaalax oo Noqday Mida NAJAXAY ama taaba galay, wuxuu kaloo Amiirku ka shaqeeyey Aasaaska iyo Horumarinta Degaanka DHagaxyocadde oo ku yaal duleedka Galbeed ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Amiir Maxamuud ayaa iminka ah Gudoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug, kaasoo loo aasaasay Horumarinta Gobolka Mudug.
Dhanka kale dhawaan ayey ahayd markii uu Amiirka Bosaso kula kulmay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Puntland Dr Caddiwali Maxamed Cali Gaas isagoo kala hadlay Guud ahaan xaalada Soomaaliya iyo Puntland iyo gaar haan Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug, halkan ka akhriso warbixin ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay kulanka Amiirka iyo madaxda.
Puntlandes.com