Jawaari oo gaaray Kismaayo & Xasan Sheekh oo Jawhar u socdaalay

12 Jan 2016 (Puntlandes) Waxaa gaaray magaalada Kismaayo wafdi uu horkacayo gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Cismaan Jawaari, halka uu madaxweynaha DFS Xasan Sheekh isna u socdaalay Degmada Jowhar.

185b4

 

Madaxweyne DFS Xasan ayaa Safarkiisa lagu sheegay inuu Furi doono shir halkaas ka furmatya oo maamul loogu samaynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wafdiga Jawaari waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

169

Ilaa iyo Axadii oo ay bishu ahayd 10ka ayaa waxaa magaalada Kismaanyo loogu xaniban yahay madaxweyne Xasan o oka meer meeraya inuu yimaado Kismaanyo oo lagu waday inuu ka furmo Shirka Madasha Wada tashiga Soomaaliyeed ee lagu go’aamin lahaa Habka ay Soomaalidu wax ku qaybsan lahayd xildhibaanada soo socda ee goosto 2016ka.

About The Author