Sawiro: Markab Sida Qalabka lagu Balaarinayo Dekedda Bosaso oo soo gaaray Dekadaas
12 Jan 2016 (Puntlandes) Markab ee sida qalabkii ugu horeeyay ee lagu balaarinayo Dekeda ayaa maanta soo gaaray Dekedda Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay), Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso iyo Waxgarad ayaa Markabka kuso dhoweeyay Dekeda Boosaaso.
Wasiirka Dekedaha Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax oo Saxaafadda kula hadlay gudaha Dekedda Boosaaso, ayaa sheegay inuu bilowday Mashruucii balaarinta Dekeda Bosaso.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay) o oka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dawladiisu ay isbadal la taaban karo ku samayn doonto Kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.
Xigasho sawirada Puntlandpost